|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Muqdisho: Dr.Gaas oo dib ugu noqdey
7 Feb 7, 2012 - 6:36:20 AM
|
Raysal wasaaraha DF Somalia Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 7,Feb ,2012 waxa uu dib ugu soo laabtey dalka kadib safaro uu ugu maqnaa Nairobi ,Roma iyo Jabouti.
Shir saxaafadeed uu ku qabtey garoonka diyaaradaha ayuu Dr.Cabdiweli kaga waramay waxyaabihii u kala soo kulmey safaradiisi iyo kulamadii uu la qaatey madaxda Talyaaniga iyo Kenyan-ka.
Waxa uu si weyn u beeniyey wararka la sheegay in dalka dib loo gumeysanayo ,isagoona tilmaamey in arintaasi uu kala hadlay Britain iyo Talyaaniga oo beeniyey sharciyada hadaladaasi.
Dr.Gaas ayaa u sheegey warfidiyeenada inuu gaarsiiyey madaxda Talyaaniga inay dhawraan madaxbanaanida Somalia islamarkaasina ka qaybqaataan horumarinta adeegayada bulshada iyo kabida mashaariicda horumarineed.
Raysal wasaaraha Somalia oo DF uga qaybgalay shirkii ICG ee Jabouti ayaa saaka waxay isku diyaarad ahaayeen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug,waxana ay ku soo horeysey Garowe kadibana Galkacayo inta aysan ugu danbeyntii geyn Muqdisho wafdiga DF Somalia oo uu ka mid ahaa wasiirka arimaha guddaha Cabdisamad Macalin.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|