From Garoweonline.com

Wararka
Gabdho lagu kufsadey Koonfurta Sudan
By
Nov 19, 2008 - 8:12:51 AM

Duleedka Magaalada Juba ee xarunta maamul goboleedka SPLA ee Koonfurta dalka Sudan ayaa waxaa lagu kufsaday gabadho Soomaaliyeed oo tiradoodu gaadhayso 10 hablood kuwaas oo qaar ka mid ah la keenay iyadoo xaaladoodu liidato cisbataal ku yaala magaalada Kampala ee dalka Uganda halkaas oo mid ka mid ah ku geeriyootay ..

Gabadh lagu magacaabo Xaawo balse diiday in la sheego magaceeda oo sadexan ayaa saxaafada u sheegtay in iyada iyo 9 gabdhood oo la socday ay Uganda ka baxeen 10kii October ee sankan 2008, markii ay gaadhen magaalada Juba ee caasimada Koonfurta Sudan ay ka raaceen doon yar oo kusocotay magaalada khartuum taasi oo qaada webiga Nile-ka balse markii qiyaastii masaafo dhan 20km aanu ka soconay ayay tidhi ayaa doontii joojiyeen nimankii waday waxaana nalagu khasbay inaanu ka soo degno doonta balse taasi waanu diidnay ilaa markii danbe xoog nalooga dejiyey .
 
Xaawo oo ilmaynaysa ayaa tidh " Isla markii webiga banaakiisa nala geeyey ayaa waxaa jeexa ka soo baxay ciidamo ku lebisan dharka tuutaha waxaana naloo kexeeyey jeexa ay nimanku ka soo baxeen oo ay ku taalay xero weyn oo ciidamo lagu tababarayey, gabadha dhimatay inan ay qaraabo ahaayeen oo iyana nala socotay ayaa taqaanay luuqada Carabiga waxayna u sheegtay inaanu nahay dad masaakiina oo kasoo cararay dalka Somalia balse hadalkeeda may dhegaysan ee iyadii ayaa hore loo kexeeyey waxaana dharka lagaga bixiyey hortayada oo ay ku fuuleen sadex nin oo laba ka mid ah ay ahaayeen nimankii doonta naga soo kireyey , gabdhaha 2 mooyaane inta kale guur hore ma soo marin waxaana dhacday in nimankii dhibaato kala kulmaan marka ay kufsanayeen waxayna markii danbe u isticimaaleen mindiyo iyo biro kale taas oo sababtay dhiig bax aad ubadan oo hada gabadhi u geeriyotay )
 
Sida ay sheegtay gabadha magaceeda kusoo gaabisay xaawo waxaa duurka Koonfurta Sudan lagu haystay iyada iyo saaxiibadeeda ay isla tahriibeen mudo gaadhaysa 18 casho waxaana maalintii 19 ay keeneen nimankii haystay inta gaadhi lagu soo guray duleedka magaalada halkaas oo ay ka heleen darawalo Somali ah oo iyagu shidaalka geeya Koonfurta Sudan kuwaas oo lacago isugu dardaray ka dibna usoo gudbiyey dalka Uganda , Xaawo ayaa intaasi raacisay in loo sheegay intii aanay Jubba ka bixin in dumar Soomaaliyeed oo tahriib ahaa lagu haysto duurka halkaas oo qaar kood caruuro ku dhaleen si qasab ah .
 
Tan iyo Intii Dowlada Maraykanku joojisay qaxotigii ay ka qaadi jirtay sanad walba Dalalka Kenya, Ethiopia iyo Uganda ayaa waxaa kor u kacey Somalida tahriibta ah ee beegsanaya dalka Libiya si ugu sii gudbaan Dalalka Reer Yurub safarkaasi oo leh halis aad ubadan oo isagu jira dil, Kufsi, dhac iyo waliba Gabadhaha Somalida ah oo inta meel ku xaraystan qoomiyada madow ee Koonfurta Sudan caruur khasab ah kaga dhalan dabadedna sii daayaan inta ilmahana kala hadhaan .

Somalidii ugu badnayd ee u tahriibta dalka Talyaaniga ayaa labadii sano ee ugu danbeeyey ka gudubtay xuduuda u dhaxaysa Sudan iyo Uganda dadkas oo badan koodu ahaa kuwo ka Cararay magaalada Mogadishu.

Maxamed Axmed Faarax oo ah ganacsade Somali ah oo jooga Koonfurta Sudan magaalada Kaya ayaa sheegay in sanadkan oo keliya lagu kufsaday magaalada uu joogo 7 hablood oo mid ka mid ah hortiisa lagu faraxumeeyey markii uu isku dayey in uu wax ka qabtana isagii gacan laga jebiyey ka dibna ay xabsiga u taxaabeen ciidamada Jabhada SPLA.
  
Qaar ka mid ah jaaliyada Somalida ee ku dhaqan Uganda ayaa qoraalo cabashooyin ku aadan dhibatoyinka loogu gaysto dadkaas Koonfurta Sudan u gudbiyey horantii sanadkan wakiilka Maamul goboleedka SPLA u jooga magaalada Kampala qoraal kaas oo aan ilaa hada wax jawaab ah laga hayn
 
Abdikadir Nour Elmi
koor04@hotmail.com
kampala,uganda
+256775432224



http://www.garoweonline.com