Ku simaha agaasimaha Guud ahna agaasinka mashaariicda wasaarada Maxamed Cali Faarax Farmayeri ayaa bilowgii xusey in wasaaradu xil iska saartey sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada haweenka iyo tayaynta aqoontooda.
Gabdhahan ayuu Farmayeeri sheegey in laga soo xuley dhamaan deegaanada Puntland iyo sida aysan u awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka jaamacadeed.
Wasiirka wasaarada waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo gabogabadii hadalo ka jeediyey madasha ayaa ku dheeraadey sida afartii sanno ee ugu danbeysey wasaaradu deeqo waxbarasho geed kasta ugu fuushey sidii ay u heli lahaayeen ardeyda reer Puntland.
Gabdhahan ayuu kula dardaarmey inay ka faa'ideystaan fursada lacag la'aaneed ,iyagoona uu raaciyey in jaamacadaha Puntland ay ka baran doonaan kuliydaha ay iyagu soo gudbisteen.
Gabadhaha Deeqda Waxbarasho helay ayaa loo soo xuley sida ay qoysaskooda saboolka u kala yihiin oo awoodin dhaqaalaha jaamacadaha ,waxana laga soo kala keeney Gobollada Puntland oo ah sidatan:
Waa Markii ugu horeysey oo deeq waxbarasho si gaar ah ardeyda intaasi le'eg wasaarada waxbarshada Puntland u hesho ,waxana la sheegey in sii socon doonan deeqaha la siinayo gabdhaha ka soo jeeda guryaha tabaaleysan.
Halkan ka dhageyso Khudbada Wasiirka waxbarashadu ka jeediyey xaflada