Galgala: Ciidanka PL oo fariisin qabsadey 15 Jan 15, 2013 - 11:12:31 AM
GAROWE ONLINE
Ciidanka Difaaca Puntland ayaa weerar culus maanta 15 January,2013 ku qaaday fariisin ay ku sugnaayeen haraadiga Al-shabab oo wali ku dhuumalaysanaya deegaano hoos yimaado Buuraleyda Galgala,sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay weerarkaasi lagu qaaday ayaa waxaa la gaarsiiyay dhaawac iyo dhimasho aan la cadayn karin inta ay le’eg tahay.
Col.Jaamac Siciid Warsame oo ku magac dheer Afgaduud oo Caawa la hadlay Radio Garowe ayaa tilmaamay weerarkii ay saaka ku qaadeen kooxdaasi ay ku guulaysteen inay ka qabteen deegaankii ay ku sugnaayeen,wuxuna sidoo kale xaqiijiyay inay gaarsiiyeen khasaaro faro badan balse aan la cadayn karin inta uu le’eg yahay.
Taliye Afgaduud ayaa wacad ku maray inay sii xoojin doonan howlgalka ay kula dagaalamayaan kooxda kasoo horjeeda nabada iyo kala danbaynta Soomaaliya,wuxuna sheegay inay kaabiga ku hayaaan deegaanka Galgala oo laga yaabo saacadaha soo socda inay qabsadaan halkaasi.
Wuxuna sidoo kale sheegay ciidanka dowlada Puntland inay ku sugan yihiin dhowr deegaan oo horay gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabaab,wuxuna sheegay dadkii deegaanka inay isaga carareen halkaasi ka dib markii ay u adkaysan waayeen dhibaatada joogtada ah ee ay ku hayaan.
Halkan ka dhageyso Wareyisga Cali Fantastic la yeeshey Col.Afguduud