GAROWE ONLINE
Xarunta mamulka Gobalka bari ayaa maanta 10 February,2013 lagu qabtey kulan balaaran oo looga
hadlayay amniga iyo sidii garab loo siin lahaa ciidanka amniga gobalka
Bari,waxana kasoo qayb galay mamulka gobalkan kan
degmada,Isimo,Nabadoono,Culimada udiin,qaybaha kala duwan ee bulsahda rayidka iyo masuuliyiin xukumada ka socota.
Gudoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay Nabadgalyada
Gobalka Bari inuu yahay mid lama taabtaan ah isla markasna aan cidna
looga amar qaadan karin,wuxuna sidoo kale sheegay mamulka gobalka iyo
laamaha amniga inay ka go'an tahay sugida amniga iyo horumarka shacabka
bari.
Inta uu socday kulankaasi amniga looga hadlayay dhinacyadii
kasoo qayb galay ayaa is dhaafsaday su'aalo ku aadan qaabka looga wada
shaqayn karo amniga Gobalka Bari iyo sidii loo qancin lahaa dadka kasoo
horjeeda nidaamka axsaabta badan,waxana ugu danbayntii go'aan lagu
gaaray in si wada jir ah looga soo wada jeesta cid kasta oo amniga ka
hortimaada.
Digniino kala duwan ayaa dhowaanahan ka soo baxayey Dowladda Puntland oo ku aadan inaan marnaba loo dul-qaadan doonin khalkhalinta amaanka gobolka Bari ,ilaa iyo hadana ma jirto cid sadaalin karta talaabada xigi doonta.
Halkan ka dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Bari Galla
n