Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Aug 19, 2008 - 3:16:25 AM
Wararka
Garabyada asmara oo sanca ku kulmaya


Dhinacyada is diidan ee Isbahaysiga Asmara ayaa dhamaantood si rasmi ah u gaaray xarunta dalka Yemen ee Sanca, iyadoo lagu wado inay halkaas ku yeeshaan kulan dhexdhexaadin ah.

Xubno ka socda Isbahaysigan garabkiisa Asmara ku sugan oo uu hoggaminayo Sheekh Cumar Iimaan Abubakar ayaa aroornimadii hore ee saakay ka dagay garoonka diyaradaha ee Magaalada Sanca, si ay ugu matalaan garabkooda wadahadallada.

Waxaa jira weli kala fikir duwanaasho iyo kala dheeraasho u dhexeysa dhinacyada isbahaysigaas; waxaana dhinac walba uu sheegay inuu dhanka kale ku qancinayo fikirkiisa gaarka ah.

Sheekh Xasan Daahir oo ku sugan Asmara ayaa u sheegay saxaafadda qaarkeed in kulanka ka dhacaya Yemen uu yahay mid ay ugu sheegayaan dhanka kale inay ka noqdaan heshiiskii ay la galeen DF, balse uusan ahayn mid ay iyagu ku raacdayaan heshiiskaas.

C/raxmaan Jinaqoow oo dhanka kale u hadlay ayaa isaguna sheegay in shirkan uu yahay mid dhankoodu ugu sharraxayo dhanka kale qodobbada heshiiskii aan ku galnay Jabuuti, innagoo sharraxaad dhaaraad ah ka siin doona qodobbada ay shakiga ka qabaan.

Qodobbada sida xun loo farsiray ee ku jira heshiiskii DF iyo mucaaradkeedu ay ku gaareen Jabuuti ayaa waxaa ka mid ah qodobka bixitaanka ciidamada Ethiopia iyo qodob kale oo ku saabsan cambaareynta dagaallada ka dhacaya Somalia.

Labadan dhinac ayaanay jirin cid dhexdhexaadin doonta, waxaana lagu wadaa inay maanta gallinka dambe qaab aan shir ahayn isku arkaan, iyadoo shirkooda caadiga ah lagu wado inuu furmo maalinta berri ah.

Magaalada Sanca ayaa waxaa ku sugan Ganacsato iyo waxgarad kale oo Somaliyeed kuwaasoo aan ka tirsanayn labada dhinac, balse doonaya inay gacan ka geystaan xallinta khilaafaadka u dhexeeya.

Haddii kulanka ay yeelanayaan dhinacyadan is-diidan ee Isbahaysiga Asmara uu noqon waayo mid lagu guulaysto waxaa go'aan cad ka gaari doona qodobbada la isku hayo culummo halkaas ku sugan, kuwaasoo dhageysan doona doodaha dhexmaraya labada garab inta uu shirkoodu socdo.
 
Garowe Online, Muqdisho
RELATED:
7 ku dhimatey Muqdisho
Maxkamada Hargeysa oo dacwad diidey
Ethiopia oo iska fogeysay xasuuq

Advertisement
 

Somalia: Anarchy-Cursed Nation Looks to Bottom-Up Rule

EDITORS PICK:

Somalia: President approves oil deal as PM rift continues
KUWAIT CITY, Kuwait Aug 19 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us