From Garoweonline.com
Garowe: Baaqii Culumo kulantay
By
Apr 24, 2010 - 11:34:01 AM
Garowe:-Culimaa'udiin Bayaan Kasoo Saarey Dagaalada Kooxaha Urur Diimeedyadu Ku Jirraan
Nadwo toddobo cisho ka socotey xarunta Dowlada Puntland masjidka al huda Garowe ayaa soo gabagabowdey habeenimadii arbacada 21 april 2010 waxaana ka qeyb-galey masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan Dowlada Puntland sida Madaxweynaha Puntland oo khadka telefonka kaga qeyb-galey isaga oo jooga wadanka dibadiisa,Wasiiro ka mid ah Xukuumada Puntland,Xillibaano, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada,Culimada Ka mid ah kuwo ugu caansan somalia oo ka kala timid Gobolada Dalka, Issimo, Aqoon-yahano,iyo Dhalin yarro faro badan oo ku xirnaa intii nadwadu socotey.
Todobadii cisho ee Nadwadu socotey waxey culimadu kaga hadleen Arrimo quseeya Diinta islaamka iyo Wac-yiga ka jirra Wadankan Somalia iyadoona dadweynuhu su,aalo weydiinayeen cullimada Nadwada jeedinayey islamarkaana culimadu jawaab ku filan siinayeen bulshada ku xirnaa nadwada Masjidka Al Hudda Garowe.
Su'alaha oo kusoo noq-noqdey Culimada ka Qeyb-galayey Nadwada ayey kaga faloodeen Waxayna Shiyuukhdu cadeeyeen in aysan quseyn Shareecada islaamka Banayneyn marxaladaha ka dhacaya Koonfurta iyo Bartamaha Somalia oo aysan diinta muslimku ogoleyn ,cullimadu waxey ku dhaliileen waxa dhacaya ee argagaxa leh in ay ku lug leeyihiin dad fidmo wadayaal ah .
Nadwada cullimadu waxey kasoo saareen 12 qodob oo ay kaga hadlayaan arrimaha Somalia kuwaas oo kala ah …
-
in la raaco manhajkii dacwada iyo jidkii uu nabigu (CSW) ku islaaxiyey ummaddiisa.
Waxaanu guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan ducaadda ugu baaqeynaa in ay raacaan hababkii iyo qaababkii uu Nebi Muxamed u adeegsadey Dacwada iyo hagaajinta Mujtamaca,kazoo ku dhisnaa xadgudub la,aan iyo gabood falid la,aan sida ku cad aayada lamberkuudu yahay (143) suuratul (albaqra) iyo aayada kale ee lamberkeedu yahay ( 153) ee suuratul (ancaam),waxaan kale oo aan usoo jeedinaynaa ummada gaar ahaan da,yarta in ay cilmiga ka qabtaan ilo lagu kalsoon yahay,looguna laabto caddaynta iyo fatwada hadba arrimaha markaas taagan culimada waaweyn ee cilmigooda,camalkooda iyo caqiidadooda lagu kalsoon yahay,si ay ruuxa ugu cadaato waddada toosan ee waafaqsan xaqa.
-
xaaraanimada dhiiga muslimiinta:-Qaddiyada ku saabsan xaaraanimada,daadinta,dhiiga Muslimiintu waa arrin lama taabtaan ah oo ku cad,Kitaabka,sunnada,iyo ijmaaca culimada muslimiinta,Laga soo bilaabo salafkii umada waa arrin yaqiin ah oo aan shaki ku jirrin Go,aankaas Hubantida ahna laguma burburin karro, Ta,wiil iyo male aan saldhig sharci ah laheyn,sidoo kale laguma burburin karro yaqiintaas Go,an ijtihaad lagu degdegay,kaasoo aan loo dhameystirin u shiisii cilmiga aheyd oo laga maarmaanka u aheyd
Haddaba dagaalada ka dhex socda dadka muslimiinta ee soomaaliyeed
waa dagaalo fidno ah oo aan shareecada ku banaaneyn,
sidaa darteed waxaa qof kasta oo muslim ah waajib ku ah inuu afkiisa iyo adinkiisa ka dhowro fidnadaas
sida ku cad axaadiista Nebiga CSW.
-
Gaaleysiinta iyo Rido ku Xukumidda Qof muslim ah :-Ciddii lagu ogaa Muslinimo ruuxna uma banana inuu ka xayuubiyo islaamnimadaas ama uu murtadnimo ku xukumo, isagoon xujo cad uga haysan Ilaahey iyo Rasuulkiisa.shacabka soomaaliyeedna waa shacab muslim ah wuxuuna u baahan yahay in si degan looga saxo xagga caqiidada,dhaqanka iyo akhlaaqda ,sidaa dartedna uma banana kooxaha ku dagaalamaya Somalia in ay midi mida kale ku xukunto riddo.
-
Faro galinta shisheeye iyo Ciidamada Ajanabigaa:- waxaan u aragnaa
-
B-in ciidamadaas si sharci daro ah wadanka ku soo galeen iyada oo aan la tixgalin rabitaan iyo ogolaanshaha shacabka soomaaliyeed
sidaa darted ciidamada shisheeye waxey ku joogaan sharci darro .
-
T-sii joogitaanka ciidamadaas wuxuu khatar ku yahay umada diinteeda,akhlaaqdeeda iyo siyaasadeeda.
-
J-xalka umada soomaaliyeed kuma imaanayo u yeerasho ciidamo shisheeye iyo faro galin dibadeed
midna kordhin maayo dalka waxaan dhibaato,khilaaf iyo gumeysi waara aheyn .
-
Wada hadalka iyo Dib u heshiisiin:-Dhexdhexaadinta iyo Heshiisiinta umadu waa waajib diini ah,oo ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee ilaah loogu dhawaado.sidaa awgeed waxaan ugu yeeraynaa shacabka somaliyed qaybihiisa kala duwan inay midoobaan meelna uga soo wada jeestaan sidey ku xaqiijin lahaayeen masaalixdooda adduun iyo tooda aakhiroba kana fogaadaan in ay daadiyaan dhiigooda iyo wax kastoo dhex-dooda fidno cadaawad ka dhalin karra ,waxaana shacabka soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay dhibaatooyinkooda ku xaliyaan wada hadal ,isfaham iyo isu tanaasul islamarkaana ka hormariyaan masaalixda guud midda gaar ahaaneed ama kooxeed .
-
Dhaqan gelinta shareecada islaamka:-Waa waajib diini ah,waxayna fure u tahay Amaanka iyo Dib u heshiisiinta Sidaa darted waxaan ugu yeeraynaa Shacabka iyo Maamuladuba in ay dhaqan galiyaan.
-
Xiriirinta iyo Colaytanka ilaahey dartii:-Mabaadiida Caqiidada Islaamka waxaa ka mid ah in dadka Muslimiinta ahi yihiin ummada kaliya oo ay kulmiso ,hal caqiido iyo hal kitaab meel kasta oo ay joogaan iyo midab kasta oo ay leeyihiin,waxaana waajib ku ah dhamaantood in ay is jeclaadaan,is xiriiriyaan,isu hiiliyaan,islamarkaana walaaloobaan sida ku cad aayada lambarkeedu yahay (71) suurada (altawbah)
-
Macnaha Jihaadka:-Sharci ahaan jihaadku waa dagaal la galo gaalada si kor loogu qaado ilaahay diintiisa,
Wuxuuna leeyahay Axkaam,Shuruudo iyo Aadaab ay tahay in looga dambeeyo Culimada lagu kalsoon yahay Diintooda,Cilmigooda iyo Cadaaladooda ,Waxaana loo jideeyey Jihaadka in lagu xaqiijiyo Maslaxadda Muslimiinta Aduunyadooda iyo Aakhiradooda,sidaa darteed laguma tilmaami karro jihad dagaalada fidnada ah ee ka dhex dhaca dadka muslimiinta ah haddaba waxaan ka digaynaa in magaca jihaadka lagu banaysto ummada muslimiintaa dhiigooda iyo maalkooda.
-
Kooxaha Ku Dagaalamaya Magaca Diimeed:-Waxaa waayadan danbe kusoo kordhay dagaalkii sokeeye ee ka dhacayey Somalia mudada dheer kooxo ku dagaalamaya Dhamaantood Magaca diimeed sida:-Dowlada KMG,Kooxda Suufiyada oo ay isbahaysi wadaagaan ,Xarakada Alshabab iyo Xisbul Islaam oo iyana isku dhinac ah, Dagaalada dhexmarayana waxey keeneen Masaa,ib iyo Dhibaatooyin Waaweyn,Sida in la banaystey dhiigii xaaraanta ahaa , in la barakiciyey shacab aan waxba galabsan iyo in loo yeerto cadow shisheeye, iyadoo dhamaan kooxahaasi wataan calan diimeed ama jihad ama mid ehlu sunna, sidaa darteed waxaan cadaynaynaa in dhamaan dagaaladaasi aysan xaq ahayn manhajkii nabiga iyo ehlu sunna waljamaca ma banana in la gaaleysiiyo dadka muslimiinta ah ee kazoo horjeeda ,in dadka islaamka ah hub loo qaato,ama gaalo loo garabsado.waxaan ugu yeeraynaa dhamaan kooxahaas in ay si deg deg ah dagaalka iyo dhiiga daadanaya u joojiyaan, ilaahayna toobad dhab ah ugu noqdaan, kuna xaliyaan khilaafkooda wada hadal iyo Musaalaxo dhexdooda ah, una naxariistaan naftooda iyo umadoodaba.
-
Burcad badeeda & Ciidamada Huwanta ee ka Hor Jeeda:-Waxaan u aragnaa in Burcad badeedu tahay dhibaato iyo fasahaad weyn oo kusoo kordhey Ummada Soomaaliyeed ayna tahay jariimo fool xun oo xaaraan ku ah Shareecada islaamka,waxayna u geysteen shacabka ku nool Deegamada ku dhow dhibaatooyin Waaweyn oo xagga Diinta,Bulshada,Akhlaaqda iyo Dhaqaalahaba ah, Sidoo kale waxay bulshada ku dhex faafiyeen dhaqamo badan oo xun xun sida :Mukhaadiraadka iyo Amaan daro joogto ah .
Dhinaca kale waxaa wax laga naxo ah dareen weyna keeni karra isbahaysiga Caalamigaa ee La dagaalanka burcad badeeda kuzoo soo dhoobey Xeebaha Somalia Boqolaal Maraakiib Dagaal ah Iyagoo aan waxba ka qaban Burcad badeedii ay ku Andacoonayeen in ay la dagaalamayaan, Waxaana shaki ku jirrin in ay u yimaadeen dano kale,
Sidaa darteed waxaan u diraynaa baaq Deg Deg ah cid walba oo ku lug leh burcad badeednimada in ay joojiyaan ilaahayna uga toobad keenaan , Waxaana ugu yeeraynaa Dadka Muslimka ee Soomaaliyeed sidii looga hortagi lahaa Loona dabar goyn lahaa Burcad badeeda, Dhanka kalena Waxaan Cambaareynaynaa Burcad badeeda caalamigaa ee kusoo duuley badaha Soomalia si ay u boobaan kheyraadka badda ama ugu aasaan suntan iyo qashinka nugliyeerka, waxaana kale oo sheegaynaa in burcada badeeda isku dubo ridan ee caalamigaa ahi tahay dhibaato iyo jarimo ka weyn burcad badeeda soomalida sidaa darteed waxaan ugu yeeraynaa xoogaga shisheeye in dib looga celiyo xeebaha dalka.
11.Kaalmeynta Dadka Barakacey iyo Kuwa ku Dhibaatoobey Dagaalada:-
Waxaan Ummada Muslimiinta ah gaar ahaan Dadka Soomaaliyeed Meelkasta oo ay joogaanba,
ugu yeeraynaa in ay kaalmo deg deg ah la gaaraan Dadka ku tabaaleysan Koonfurta Soomaaliya k
uwaa oo la il daran dhibaatooyin kasoo gaarey Dagaalada Soomaaliyeed taasoo ah
xaq ay leeyihiin iyo Waajib diini ah sida ay cadeysay Aayada lambarkeedu yahay (72) Suurada (al anfaal)
12.Baaq Ku Wajahan Culimada Soomaaliyeed:-Waxaan u aragnaa in waqtigaan lagama maarmaan tahay
iney isugu yimaadaan culimada iyo wax-garadka ka Soomaaliyeed shirwayne dib u heshiisiineed oo ka dhaca
gudaha wadanka si la isugu soo dhaweeyo kooxaha soomaaliyeed ee isdiidan six eel dheerna looga baaraan
dago arrimaha la isku dagaalsan yahay laguna dhex galo run iyo daacadnimo si looga baxo dhibaatada ee ku
raagey Ummada.
Waxaana ku saxiixnaa Qodobada kazoo baxay Culimada Soomaaliyeed ee Nadwadii Shaanaad ku qabtey Xarunta Dowlada Puntland Garowe .
1.
Sheikh Cali Warsame Xasan
2.
Sheikh Bashiir Axmed Salaad
3.
Sheikh C/laahi Daahir Jaama
4.
Sheikh C/naasir Xaaji Axmed
5.
Sheikh Maxamed Idiris Axmed
6.
Sheikh C/qaadir Nuur Faarah
7.
Sheikh Yuusuf Aadan
8.
Sheikh Axmed Xaaji C/rahmaan
Gabagabadii Nadwada waxaa Soo Xirey Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlada Puntland ka dib khudbado Masuuliyiin badan xiritaankii Nadwada kasoo jeediyeen oo uu ku jirey Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. C/rahman Shiikh Maxamed (Faroole)oo khadka telefonka uga soo qeyb-galey.
Sanadkii hal mar ayaa Nadwada la qabtaa taasi oo culimadu kaga hadasho xaaladaha isbedelaya ee Wadanka ka jirra balse haatan ay u dhow dahay in Culimadu badineyso khudbadaha ku saabsan ka hadlida Diinta Islaamka iyo Xaalada Soomalia madaama ay soo bexeen Kooxo aad u badan oo huwan magaca Diinta Islaamka, kuwaas oo shaki ku abuurey Shacabka Somalida.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com