Booliska oo ka hadlay hawlgalo 23 Dec 23, 2012 - 3:10:18 AM
GAROWE ONLINE
Booliska gobolka Nugaal ayaa ka warbixiyey hawlgalo dhowaanahan ay ka wadeen magaala madaxda Puntland ee Garowe kaasi oo lagu sugayey amaanka iyo xasiloonida gobolka.
Taliyaha qaybta booliska Nugaal Faarax Warsame ayaa saxaafada maanta 23 December,2012 uga waramay ergo uu sheegey inaysan cidna matalin oo Garowe u yimid shir uu ku sheegey wadatashi sida laga soo xigtey dhankooda.
Waxa uu raacshey inay u yeereen qaar kale oo u sheegeen in haatan shir uusan ka furneen Garowe islamarkaana ku laabtaan goboladi ay ka yimaadeen.
Ugu danbeyntii ayaa Faarax Warsame waxa uu cadeeyey in ciidamada amaanka ay hanteen xasiloonida gobolka oo uu ku baaqey in dhamaan laga shaqeeyo sidi loo xoojin lahaa.
Halkan ka dhageyso Shir saxaafadeedka Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal