Dad loo tababarey Dawooyinka 22 Feb 22, 2013 - 5:28:12 AM
GAROWE ONLINE
Waxaa maanta 21 February,2013 xarunta wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland lagu soo
gabo-gabeeyay tababar ku saabsanaa ku shaqaynta shaybaaradda casriga ah
iyo sidii loo baari lahaa tayadda dawooyinka dalkeena Somalia la
keeno.
Saraakiil Caafimaad oo ka kala socda wasaradaha caafimaadka DF Somalia, Somaliladn iyo Puntland ayaa ka soo qayb
galay,waxana soo qaban qaabisay hay'adda cafimaadka
Aduunka ee WHO oo kaashaneysa madaxda caafimaadka
Puntland.
Inta badan dadkaasi ayaa la barayay qaabka ugu wanaagsan ee looga
hortagi karo dhibaatooyinka ay sababeen dawooyinka aan tayada lahayn ee
dalka la keeno,iyo sidii loo baari lahaa kuwo hadda yaala,waxana la isku
raacay mamul kasta inuu meel uga soo wada jeesto bad baadinta umadda
Soomaaliyeed ee aan aqoonta u lahayn dawooyinka la isticmalo.
Masuuliyiin kala duwan ayaa Dhamaadkii tababarkaasi ka hadlay,waxana
ka mid ahaa wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdilaahi
Warsame oo kula dardaarmay xubnihii tababarka qaatay inay aqoonta ay
heleen dib ugula noqdan bulshadii ay ka yimaadeen,isla markasna
shacabka ka wacyi galiyeen inaysan isticmaalin dawooyin uu dhakhtar u soo
qorin.
Sida goobta laga sheegayna dhamaan ka soo qayb galayaashii tababarkaan
ayaa la siiyay qalab shay-baar '' Mini Labs'' ,ujeedkuna ahaa inay ku shaqeeyaan markii ay dib ugu laabtaan goobihii ay kasoo
kictimeen markii hore.
Agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan
ayaa goobta ka sheegay ahmiyada uu tababarkaani lee yahay,wuxuna
dhankiisa tibaaxay inay lama huraan tahay ka shaqaynta bad baadinta
caafimaadka sahcabka Soomaaliyeed.
Ugu danbayntii qaar ka mid ah xubnihii tababarka loo qabtay oo hadalo
soo jeediyay ayaa dhankooda sheegay inay ku farax san yihiin tababrka la
siiyay,ayna si wanaagsan shacabkooda ugu shaqayn doonan.
Halkan ka dhageyso Warbixinta uu Aadan Xaaji Sooyaal uu diyaarshay