From Garoweonline.com

Wararka
Heshiska PL & Ismada SSC- Dawo sawiro
By
Mar 18, 2010 - 7:59:45 AM

Madaxweynaha PL oo gacan qaadaya Issimada heshiiska kadib
Waxaa soo baxayey ilaa maanta baaqyo kala duwan oo ka soo baxayey waxgaradka Gobollada Puntland kaasi oo lagu taageerayo heshiiskii ay wada gaaraeen Dowladda Puntland iyo Isimada Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn maalintii shalay [Mar 16].
 
Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo ka mid Isimada magaca dheer ku leh deegaanada Puntland oo maanta nagu soo nagu booqday xarunta Radio Garowe
ayaa sheegay in si wayn u soo dhawaynayo isafgaradkaasi ay wada gaareen Dowlada Puntland iyo Isimada Gobolada SSC.

Issimada SSC oo sixiixaya Heshiiska
"Waxaan u arkaa in heshiiskaasi uu yahay mid baabi'inaya wixii ku dhexjiray Issimada iyo Dowladooda, runtiina waa mid ay ka naxayaan dhamaan cadowga Ummada iyo Dowlada Puntland.

Garaad Ciid oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: "Waxaan Dowlada Puntland kula talinayaa in dhamaan hadii la is afdhaafo ama la kala fikir duwanaado loo gogol xaaro xal in laga gaaro."

Arintaan ayaa ku soo beeg maysa xilli maalintii shalay galinkii danbe ay heshiis wada gaareen madaxda Dowlada Puntland iyo Issimada Gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC) ka dib kulan saacado qaatay oo ku dhexmaray xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garowe dabadeedna heshiis qodobo dhowra ka kooban labada dhinacba kala saxiixdeen.

Qodobada la wada saxiixay waxaa ka mid ah in Dowladda Puntland kaliya ay leedahay mas'uuliyadda soo celinta Gobollada ka maqan Puntland oo ay hadda gacanta ku hayso maamulka la magacbaxay Somaliland, gaar ahaan xarunta Gobolka Sool ee magaalada Lascanod.

Waxaa kaloo la isku raacay in Issimada SSC ay ciyaaraan doorkoodi caadiga ahaa ee nabadeynta iyo midaynta bulshada.

Isafgaradkaani ayaa yimid ka did markii Issimada SSC ay ku shireen tuulada Buurawadal ee Gobolka Sool in muddo ah halkaasi oo ay ku dhisteen Guddi la magacbaxay Qusuusi.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Md. C/xakim Axmed Guled, ayaa si weyn usoo dhaweeyey heshiiskaan isagoo ku tilmaamay talaabo lagu farxo.

Dhanka Dowladda Puntland, heshiiskani waxaa sixiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. C/llahi Axmed Ilkajir halka dhanka Issimada SSC ay si wadajir ah u sixiixeen 9-sagaal Issim oo uu hormuud ka yahay Garaad Saleeban Garaad Max'ed.

Heshiika wadashaqeyn ee dowladda Puntland iyo Issimada gobolada SSC ayaa u qoraa sidatan:

1- Sida Dastuurka puntland ku cad, gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waa qeyb kamid ah oo aan ka go'i karin dowladda Puntland.

2- Waxaa la garwaaqsadey in mas'uuliyada soo celinta degaanada maqan ay leedahay dowladda Puntland

3-Waxaa la isla qaatey doorka Issimada oo ah wacyi galinta dadka, xalinta khilaafaadka, abaabulka iyo mideynta bulshada taasoo wax weyn ka tareysa soo celinta deaamada maqan

4- Waxaa la isku raacey in la joogteeyo wada tashiga iyo wada shaqeynta Issimada iyo dowladda.

5- Waxaa shirku si gaar ah mahad balaaran ugu celinayaa xubnaha waftiga Barlamanka Dowladda Federaalka KMG ah dowrka ay qaateen shirka

Waxaa sixiixey:

1- garaad Saleebaan Maxamd

2 Garaad Cabdulahi Soofe

3- Garaad abshir Saalax

4- Suldaan Siciid Cismaan Cali

5- Garaad Cali buraale Xasan

6-  Boqor Cabdulahi axmad Cali

7- Garaad saleebaan buraale aw-Aadan

8- Garaad Maxmuud cismaan [Mashqare]

9- Ugaas Faarax Maxmud Cali

Waxaa dhinaca dowladda u sixiixey:

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland

Gen.Cabdulahi Axmad Jamac

GAROWE ONLINE



http://www.garoweonline.com