Garowe: Kulan ka dhacey PSU 18 Nov 18, 2012 - 6:07:51 AM
GAROWE ONLINE
Xarunta Jaamacada PSU ee magaalada Garowe ayaa maanta 18 November,2012 lagu qabtey kulan ku saabsanaa isku Jaamacadda PSU iyo hayadaha ka shaqeeya horumarinta iyo ganacsiga,waxana looga danlahaa shaqaaleysiinta ardeyda ka qalinjebisa PSU.
Sidoo kale kulankan waxa uu ahaa xuska maalinta ururka Jaamacadaha Afrika ee la yiraahdo AAU,waxana shirkan soo qaban qaabiyey Jaamacada Puntland State Universty ''PSU"',iyadoona ay ka soo qaybgaleen wasaaradaha dowladda qaybo ka mid ah ,maamulka jaamacada iyo macalamiinta jaamacadaha dalka.
Prof.Maxamuud Shiikh Xaamud gudoomiyaha Jaamacada PSU ayaa ka hadlay shaqaaleysiinta ardeyda iyo doorka ganacsatadu ay ku yeelan karaan shaqo u abuuristooda.
Waxqabadka Jaamacadda PSU ay u hayso bulshada ayuu ku dheeraadey gudoomiyuhu iyo guulihii ay ka soo hoyeen xiriirka jaamacadaha Afrika.
Prof.Cabdala Cali oo bare ka ah Jaamacada Helsinki ee dalka Finland ayaa sheegey baahi in loo qabo ardyeday in la baro waxyaabaha daruuriga ee bulshadu u baahantahay sida wax-soo saarka cuntada ama beeraha iyo Kaluunka.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo soo xirey kulanka ayaa ka hadlay shaqaaleysiinta ardeyda ka baxda jaamacadaha,sidoo kalena waxa uu ka shekeeyey waxqabadka iyo qorshaha wasaaradiisa.
Halkan ka dhagayso warbixin kulanka uu ka diyaarshay Cawil Cali Jaamac