GAROWE ONLINE
Magaala madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta 11 November,2012 lagu qabtey kulan balaaran oo lagu soo dhoweynayey laguna taageerayey maamul u samaynta Jubooyinka.
Issimo ,Xildhibaano,Masuuliyiinta Dowladda ,Siyaasiyiin ,Ganacsato ,Aqoonyahano iyo qurba-joog ayaa ka qaybgalay oo dhamaan si weyn u soo dhoweeyey nidaamka Federaalka Somalia iyo in maamulo gaar ah dalka laga dhiso oo ugu horeyso Juballand.
Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Jaamac Quran Jecel oo kamid ahaa dadkii ka hadlay kulankaasi ayaa ka digey farogelinta madaxweynaha Somalia uu ku hayo maamul u samaynta Jubooyinka oo uu raaciyey in dastuurka dalka ka hor imanayso.
Waxa uu sharci darro ku tilmaamey guddi dhowaan Xasan Shiikh Maxamuud u magacaabey hawshaas oo uu tilmaamay in Digreeto haatan dalka aysan ka socon oo nidaamka Federaalka lagu dhaqayo dalku dastuur leeyahay.
''Madaxweynuhu awood u malahan in uu digreeto ku magacaabo 10 kadibna yiraahdo orda Kismaayo taga'' ayuu yiri Xildhibaanku.
Sidoo kale Ismaaciil Aadan Diiriye oo ka mida siyaasiyiinta ayaa xusey inay tixgelinayaan madaxweynuhu inuu ku cusubyahay xafiiska balse loo baahanyahay inuu dib iskugu laabto ,maadaama sida uu sheegey awoodisa dastuurka qodobadda ku qeexan ay xadideen.
Dadkii ka hadlay kulankaasi oo qayb ka ahaayeen dad ka soo jeeda goboladaasi ayaa farta ku fiiqey Madaxweynaha Somalia inuu u sinaado dhamaan gobollada dalka oo Kismaayo xooga saarayo haatan,iyagoona dhankooda taageerey maamul laga dhiso halkaasi.
Tan iyo markii ciidamada Somalida iyo kuwa Kenya ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo ayaa dhinaca Puntland waxa ilaa heer madaxweyne soo baxayey taageerada maamul u samaynta goboladaasi si ay uga mid noqoto dowladaha dalka ka jiri doona.
Akhristayaasha sharafta leh waxaan halkan idin ku soo gudbineynaa magacyada dadkii ka hadlay kulankii maanta oo sida u qoranyihiin u kala hadlaya.
1-Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Jaamac ''Quraan Jecel''
2- Ismaciil Aadan Diiriye Agaasimaha Hay’adda Daryeelka Bulshada
3-Nabadoon Cabdi Aw Muuse Jidxun
4- Cabdiaafi Xasan Maxamed Qurba -jogta Jubbooyinka
5-Cismaan Guureye Kaarshe oo kamid ah Siyaasiinta Puntland
6- Axmed Jamac Jinoole oo ka Tirsan Bulshada Rayidka Puntland.
Halkan ka dhageyso dhamaaan codadkii kulanka maanta Garowe