Kulan lagu qabtey Garowe 21 Nov 21, 2012 - 5:00:30 AM
GAROWE ONLINE
Xarunta Wasaarada Amniga Puntland ayaa maanta 21 November,2012 lagu qabtey shir lagu soo bandhigey wacyigelino ku saabsan Nabada iyo Amaanka kaasi oo lagu baraarujinayo dhalinyarada ka soo baxda Al-shabaab iyo Burcad badeeda.
Wasiirku waxa sheegey barnaamijkab mid lagu badalayo dhaqanka dhalinyarada ka soo goosa Al-shabaab iyo kuwa kale uu ku jira falalka lidiga ku ah amaanka iyo xasiloonida.
Wasiirka Cadaalada ,Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland Dr.Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo ayaa uga mahadceliyay hayada UNDP
barnaamijyada
ay ka wado Puntland ,isagoona u tilmaamey inay wax ka qabtaan kor u qaadida tayada garsoorka.
Taliyaha Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf oo gabagabadii ka hadlay madasha ayaa waxa uu sheegay inay jireen dhalinyaro badan oo markii hore faraha kula jiray falal amni xumo ah balse hada ay ka waantoobeen ka dib markii
loo qabtey wacyiglin ku saabsan nabada iyo amaanka.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaalada Puntland ugu jirto sidii loo hagaajin lahaa dhaqanka dhalinyarada la duufsadey ama xooga lagu geliyey kooxaha amaanka gasa,waxana hubaal ah markii uu u dhamaado in bulshada iyaga oo toosan dib ugu soo laaban doonaan.
Halkan ka dhagayso warbixin uu ka diyaarshay shirka Cawil Cali Jaamac