Waxaa maanta 21 January,2013 si hufan duleedka koonfureed ee magalada Garowe lagu soo dhaweeyay wafdi ka kala socda Gobalada Jubooyinka iyo magalada Gaarisa oo ah xarunta Gobalka Waqooyi bari ee Kenya.
Masuuliyaantaani Garowe soo gaaray oo kala ah Gudoomiyaha Magalada Gaarisa Ismaaciil Maxamad Garay ,iyo Gudoomiyaha Gobalada Jubooyinka iyo Gedo Shiikh Khaliif Guure Cali,ayaa waxaa soo dhawayntooda ka qayb qaaday mamulka Gobalka Kan degmada,masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsan,bahda haweenka iyo dhalinyaro,waxaana loosoo galbiyay hotelka Rugsan.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab oo saxaafada la hadlay ayaa ka war bixiyay imaatinta masuuliyaan Jubooyinka iyo Gaarisa ka socda,wuxuna sheegay mida kowaad ee wafida inay tahay sidii looga wada shaqayn lahaa mataanayna Magaalooyinka Garoowe iyo Gaarisa taasoo qayb ka ah dadaalada lagu doonaya sidii xiriir wada shaqayneed uga dhex bilaaban lahaa Puntland iyo Waqooyi bari kenya.
Arinta kale uu ka dhawaajiyay Qarjab ee ay wafida u yimaadeen ayaa waxay salka ku haysaa sidii la isku dhaafsan lahaa afkaarta ku aadan mamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo oo howshoodu socoto.wuxuna sheegay Puntland inay kaalin ku le dahay sidii looga shaqayn dhisida mamulka Jubaland.
Gudoomiyaha Jubooyinka iyo Gedo Shiikh Khaliif Guure Cali oo dhankiisa warbaahinta la hadlayay ayaa aad ugu amaanay mamulka Gobalka Nugaal qaabka wanaagsan oo ay soo dhawaynta ugu muujiyeen,wuxuna tilmaamay ujeedka Garowe u yimi inay tahay sidii loo heli lahaa talooyinka Puntland ee Jubooyinka.
Sidoo kale Gudoomiyaha magalada Gaarisa ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii loo midayn lahaa loogana wada shaqayn lahaa horumarka Gaarisa iyo Garoowe,calaamad harseedi karta is dhexgal bulsho ayuu sidoo kale Garay ku tilmaamay arintaasi.
Waa markii ugu horaysay oo ay booqasho rasmi ah Puntland ku yimaadaan masuuliyiin ka socda Jubooyinka iyo Gobalka Waqooyi bari Kenya,waxaysa tani usoo Gogal xaaraysaa sidii loo heli lahaa wada shaqayn dhab ah oo ka aslaxda dalka Soomaaliya iyo Kenya.
Halkan ka dhageyso Warbixinta Cawil Cali Jaamac ka diyaarshey