From Garoweonline.com
Gedi oo ka hadlay Somalia, Amanay PL
By
Jul 4, 2009 - 8:25:25 AM
Rai'sal Wasaarihii hore ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi oo wareysi gaar ag siiyey idaacadda madax-banaan ee Radio Garowe ayaa Beesha Caalamka ugu baaqey in jawaab deg deg ah ay ka bixiso codsigii Dowlada Federaalka KMG ah (DFKMG) ee Somalia oo ay Ciidamada kaga dalbatey Caalamka gaar ahaan wadamada IGAD iyo Midowga Afrika.
Prof. Geedi ayaa sheegay in ciidankan loogu baahan yahay
si looga hortago khatar uu ku sheegey iney ka imaaneyso "Shisheeye Jihaad doon" ah oo ku soo qulqulaya gudaha Dalka Somalia w
aliba iyadoo ay jiraan buu yiri kuwo wakhti xaadirkan ku hareereysan Madaxtooyada Somalia islamarkaasna doonaya iney xididada u siibaan DFKMG ah ee Somalia haddii midaasi ay ku guuleystaana uu Prof. Geedi sheegey iney khatar weyn u tahay Somalia iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.
Geedi oo ah Xildhibaan ka tirsan DFKMG ah ayaa ka
digey in wuxuu ugu yeeray "Jihaadiyiinta" ay la wareegaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia islamarkaana xididada u siiba Dowlada curdanka ah ee lagu soo dhisey Jabuuti ay guul darro ku tahay dhamaanba Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Caalamka isagoo sheegey hadii kooxahaasi ay ka soo jeestaan Muqdisho ay meel kasta weerari doonaan.
Wuxuu kaloo intaasi ku daray Xildhibaanka inaaney jirin gabi ahaanba kaalin dib u heshiisiineed oo haatan banaan fursad kastoo lagu heshiin kareyna ay meesha ka saareen kooxaha ka soo horjeeda Dowlada si aanan dib dambe loo yagleelin Qaraanimadii Somalia.
'Dowlada waxay lumisay Fursad'
Prof. Geedi oo ah Xildhibaan ka tirsan DFKMG ah oo la hadlayey Radio Garowe ayaa intaasi ku darey in Dowlada ay hogaamiyaan Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Rai'sul Wasaare Cumar Cabdirashiid qudheedu ay khalad gashey ka dib guuldarradii ka soo gaartey Dowlada rajadii laga lahaa Heshiiskii Jabuuti.
Wuxuu tilmaamay iney khalad aheyd heshiis ay la gashey kuwo ku balan-furey islamarkaana uu ula jeedey xubno ka tirsanaa Maamulkii DFKMG ah ee Gobolka Hiiraan oo horena uga mid ahaa Maxkamadaha Islaamka haatana sheegay inay ku bireen buu yiri ururrada hubaysan ee mucaraadka ah si ay garab u siiyaan "Kooxaha Argagixisada Ajnabiga ah" sida uu hadalka u dhigey.
Xil. Geedi ayaa sheegay in kooxahaan ay c
udurdaar ka dhigtaan in Dowladu ay hareer martey ku dhaqanka Shareecada Islaamka goor sii horeyseyna uu uga warhayey in xubnahaasi ay is casili doonaan.
Cali Max'ed Geedi ayaa tilmaamey in Dowlada Sh. Shariif ay lumisey fursad weyn oo ay isku difaaci kartey isagoo sheegey in Xukuumaddii ka horreysey uu Madaxweyne ka ahaa Cabdullahi Yusuf ay ka dhaxashey cudud milatari oo isugu jirta hub iyo ciidan aad u xoogan balse uu garan la'yahay halka ay ka baxdey awoodaasi isku filnaansho oo Dowladii hore ay isku difaaci jirtey.
Nabadda Puntland oo uu amaanay
Rai'sul Wasaarihii hore ee Somalia ayaa difaacey Xukuumaddii uu Madaxda ka ahaa muddo sadex sanadood ah isagoo carabka ku dhuftey in Dowladdiisu ay aheyd mid xaqiijisey gacan ku heynta guud ahaan Dalka Somalia isla markaana maamullo hoos yimaada ay u dhistey gobollada Dalka waxaana uu sheegey in kooxaha Islaamiyiinta ee haatan sii xoogeystena wakhtigaasi aysan laheyn awooda intaan le'eg ee ay kula dagaalamayaan Dowlada Cusub.
Ugu danbeyntii Xil. Geedi ayaa amaan u soo jeediyey Maamulka iyo Shacabka Puntland wuxuuna ugu baaqey iney ilaashaadaan ama ay difaacdaan nabadgelyada ay heystaan iyo Maamulka u dhisan si dadka Somaliyeed ee dhibaatooyinka ka soo cararaya ay gabbaad iyo badbaado uga dhigtaan isagoo ku tilmaamey Deegaanada Puntland ay ka mid yihiin goobaha ugu nabadoon dalka Somalia.
RADIO GAROWE
http://www.garoweonline.com