Geedi socodka Dimoqradiyada Puntland 2 Jan 2, 2013 - 4:54:25 AM
Puntland State of Somalia
Geedi-socodka Nidaamka Dastuurka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland
January 1, 2013
February 25, 1998 – March 12, 1998
• Shirkii Wadatashiga Garoowe waxaa kasoo qeybgalay wakiilo gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya,iyadoo wadatashigu ku salaysnaa sidii dadka deegaanka ay u dhisan lahaayeen maamul ay ku midaysan yihiin si ay uga badbaadaan amni-darrada iyo jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya
May 15, 1998 – August 1, 1998
• Shirweynihii Dastuuriga ee Garoowe oo ay kasoo qeybgaleen Issimada Puntland iyo 480-Ergay oo ka socda shan Gobol (Bari, Nugaal, Mudug, Sool, iyo Sanaag) iyo hal Degmo (Degmada Buuhoodle)
• Shirweynahaasi waxaa lagu dhisay Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxaana Garoowe loo doortay inay noqoto Caasimadda Dowladda Puntland
• Shirweynahaasi waxaa lagu ansixiyay Axdiga KMG ah ee Puntland (August 1998 – June 2001), waxaana la dhisay Garsoor madaxbanaan iyo Baarlamaan ka kooban 66-xubin oo lagu xulay qaab qabiil, Baarlamaankuna wuxuu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen xilli KMG ah oo dhan muddo sadex sano ah
August 1, 1998 – 30 June 2001
• Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Md. Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Md. Maxamad Cabdi Xaashi ayaa hogaamiyey Puntland sadexdii sano ee xilligii KMG ahaa
• Labada dhinac waxay Boosaaso ku saxiixeen heshiis nabadeed May 17, 2003
May 17, 2003 – January 8, 2005
• Md. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa ahaa Madaxweynaha Puntland ilaa October 10, 2004, xilligaas oo loo doortay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (TFG)
• Shirweynihii Ergada Ansixinta Dastuurka Puntland ee Garowe ayaa si rasmi ah u ansixiyay Dastuurka Puntland, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Issimada, qeybaha bulshada Puntland, Wasiiro ka socda TFG, wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, iyo saxaafadda madaxbanaan
• Maxkamada Sare ee Puntland ayaa ansixisay natiijadii codeyntii Dastuurka Puntland oo uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland
• Iyadoo maalintaasi ay ku ekeyd xilliga diiwaangelinta, ayaa Guddiga Doorashada Puntland waxay ku dhawaaqeen in lix Urur Siyasadeed si rasmi ah loo diiwaangeliyay ayna buuxiyeen shuruudihii
• Ururada Siyaasadda oo buuxiya shuruudihii nidaamka diiwaangelinta oo dhan ayaa ka qeybgali doona doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, oo ku beegan May 2013
January 1, 2013 – January 8, 2014 (Qorshaha Mustaqbalka)