Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM
Wararka
Geele oo ka hadley shirka


Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle oo wareysi siiyay Reuters ayaa sheegay in hogaanka cusub ee Somalia uu dunida kaga baahan doono kaalmo lacageed, si uu dib ugu dhiso dalka ay dagaaladu burburiyeen [Somalia].

Geelle oo dalkiisa uu martigelinayo shirka dib u heshiisiinta Somalida ee lagu dhisayo xukuumada cusub ayaa dunida ku boorriya inay lacag ku taageeraan maamulka cusub ee loo sameynayo si dib loogu habeeyo ciidanka amaanka.

"Madaxweynaha cusub wuxuu u bahan doonaa kaalmo, hadii uu helo kaalmo dhaqale, wuxuu dib u dhisi karaa dalkiisa" ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu wareystay Madaxtooyada Jabuuti.

Dublamaasiyiinta caalami ah ayaa waxay qabaan in amaanka Somalia ay soo celin karaan 10,000 askari, iyadoo Madaxweyne Geelle uu sheegay in askartaas ay qaadan karaan lacag ka yar tan ku baxaysa nabad ileeliyeyaasha.

Madaxweynaha Jabuuti, wuxuu sheegay in kooxda Al-shabaab ay ka kooban yihiin burcadii beelaha oo isku tagay, iyagoo ka shaqeynaya carqalada dalka, wuxuuna kooxdan ku eedeeyay inay yihiin koox dadka disha oo keliya.

"Waxba kama garanayaan diinta Islaamka, keliya waxay garanayaan sida wax loo dilo, hada waxay isku qarinayaan magaca Al-shabaab" ayuu yiri Geelle oo ku tilmaamay Al-shabaab inay yihiin koox aan u daneynayn shacabkooda.

Mar uu ka hadlay awoodqaybsiga shirka Jabuuti ayuu sheegay in loo baahan yahay in si weyn looga fikiro awooda marka laga tago Madaxweyne iyo Ra'iisul wasaare, isagoo soo jeediyay in la sameeyo Madaxweyne ku xigeen sida Mareykanka.

Xilka Madaxweynenimo ee Somalia ayaa waxaa u taagan murashaxiin badan, iyadoo ay ugu cadcad yihiin Sheekh Shariif iyo Nuur Cadde, iyadoo labadan mas'uul uu mid noqon doono Madaxweynaha cusub ee Somalia sida la aaminsan yahay.

RADIO GAROWE
 

RELATED:
Odeyasha oo laga baajiyey Turkiga
Dagaal culus oo Dayniile ka dhacay
WFP oo xayiraad lagu soo rogay

Advertisement
 

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia leaders meet at African Union headquarters for constitution, elections process
ADDIS ABABA, Ethiopia May 21, 2012 (Garowe Online)

Statement of the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) at Meeting of Somali Principals

Somalia: Amb. Mahiga warns Somali politicians to stop meddling with selection process

Somalia: Ethiopia military to increase onslaught against Al Shabaab

This week in Somalia

Somalia: Amb. Mahiga calls for ‘transparent’ inquiry to Hargeisa land dispute

Somalia: Roadmap signatories will meet to discuss progress

Somalia: SRSG Statement on Hargeisa Incident

Plenty rain in Somalia

Somalia: Multiple explosions in Mogadishu kill 8

Somalia: Ethiopia commander in Somalia says 'not a problem to liberate Kismayo'

Somalia: Kenya police loot businesses in Dadaab after explosion

Somalia: Statement by the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) Presented at Indian Council on World Affairs

Somalia: MSF to restructure health support in Galgaduud due to deteriorating security

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us