Home
  Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Jul 4, 2009 - 1:50:24 PM
Wararka
Geelle oo ka hadlay shirka IGAD


Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa kaga hadlay wareysi uu siiyay BBC-da shirka IGAD ee ka furmaya dalka Jabuuti, kaasoo lagu casuumay Madaxda sarsare ee DF iyo xildhibaanada Baarlamaanka.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in shirkaan uu yimid markii dalalka IGAD ay si weyn uga walwaleen xaalada Somalia, si loo xaliyo khilaafaadka ka dhextaagan Madaxda Somalia.

"IGAD waxay doonaysaa sida aan ka warhayo inay u caqli celiso madaxda Somalida, waxaana lala kulmayaan madaxda iyo baarlamaanka si la isugu soo dhaweeyo" ayuu yiri Madaxweyne Geelle oo sheegay in ogaalkiisa shirka Nairobi uu sidan yahay.

Mar la weydiiyay Madaxweyne Geelle in shirkan ay abaabushay Ethiopia lana sheegayo inuu yahay mid lagu xoojinayo shirarkii Jabuuti iyo inuu yahay mid ay Ethiopia doonayso inay indhaha caalamka isaga leexiso, ayuu kaga jawaabay:

"Labada ra'yiba waa jiraan, balse muhiimadu waxay tahay in dalalka jaarka la ah Somalia ay ka seexan la'yihiin dhibaatada haysa Somalida, Madaxda dalkaasna aysan is-lahayn sharciga aad dhigateen xurmeeya, hagaajinaya xaakiina; hadii aysan iyaguna sidaa garanayn waa la dul joogayaal oo lala talinayaa".

Ismaaciil Cumar Geelle oo la weydiiyay in Madaxda DF sida: Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha ay dhowr jeer tageen Jabuuti, Sheekh Aadan Madoobana uu ku fool leeyahay halkaas, waxay yiraahdaan marka ay la kulmaan. wuxuuna ku jawaabay isagoo qoslaya:

"Waxay yiraahdaan waan dadaalaynaa, nina muujin maayo inuu wax diidan yahay, xubnaha la taliyeyaasha u ah ee baarlamaanka ku jira ama wasiirada ah, dharaartii ciidda baan la hadlay oo aan iri walaalahayow ka daaya sheekada aad u kala sheekeynaysaa madaxda, balse dhaha waxaan maraynaa jid aad halis ah u ah ee gacmaha isqabsada"

Madaxweyne Geelle, wuxuu sheegay in marka walba iyo goob walba ay la talinayaan madaxda Somalida, wuxuuna ka codsaday inay dalkooda dajiyaan inta aanu waqtigu ka dhamaan.

Su'aal ahayd in shirka IGAD uu yahay mid salka ku haya sidii loo sameyn lahaa wax aan ahayn TFG, laguna marti qaaday Isbahaysiga ARS garabkii la shiray DF, ayaa ku jawaabay:

"Ah...ah...ah [Qosol]... Ma ogin anigu taas, waxa aan ogahay waxa weeye in beesha caalamka lagu booriyo inay tagto Xamar, xafiisyadeedii furato, wixii ay Somali xaq u leedahayna halkaas lagu siiyo".
 
Garowe Online, Muqdisho
RELATED:
Sarkal ka gostey Maxkamdaha oo hadley
Warbixin: Dagalka oo xogeystey
Madaxweynaha PL oo ka qayb galey xuskii 1 July Minnesota

Advertisement
 

Analysis: Somalia aid tied to shaky government

EDITORS PICK:

Somalia: Ex-PM Gedi condemns insurgents, praises Puntland
NAIROBI, Kenya July 4 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us