Go'aamada ka soo baxay shirkii odayaasha Bari 14 Apr 14, 2012 - 7:41:20 AM
GAROWE ONLINE
Nabadoona iyo Cuqaasha Gobolada Bari Karkaar ayaa maanta 14,April 2012 shir ugu soo xirmay tuulada xiriiro oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Karkaar,waxaana nabadoonada oo ka arinsanyey guud ahaan xaaladaha dalka ay soo saareen go'aamo ay ugu muhiimsanyihiin Amniga & Dastuurka.
Nabadoon Maxmaed Khaalid Cali oo Shirkani markuu soo dhamaaday la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay qodabadooda ay ugu horeyaan teegeerada ay u hayaan afti u qaadista Dastuurka Puntland oo beri shirweynihiisu furmayo,wuxuuna xusay in cidii is hortaagata loo baahanyahay in lagu qabto gacan bira ayna u aqoonsanyiin fidniwadayaal.
Nabadoonka ayaa dhinaca kele waxaa uu sheegay qodabadooda inay ka mid yihiin in laga digtoonado kooxaha argagaxisada ah,wuxuuna ka dhawaajiyey in kooxaha buuraha ku jira dawladda laga taageero sidii looga sifayn lahaa meelahay ku dhuumanayaan.
Dhanka kele wuxuu soo hadal qaaday mashaariicada horumarka sida Shidaal baadhista,afti u qaadista,wuxuuna isagoo arrimaha ka hadlayaa uu yidhi.
"Dawladdu waxyaabo badan bay gacnta ku haysaa argaxiso la dagaalamysaa.baadintaanka macadanta ayay wadaa,khalkhal looma baahna,waa in qofkasta u hogaansamaa awamiirta iyo afti qaadsita dastuurka"ayuu hadalkiisa ku soo xidhay nabadoon Maxamed khaalid.
Dhinaca kale waxa ka socoto magaalada Garowe qaban qaabo xoog leh oo logu jiro diyaargaroga shirweynaha ansixinta dastuurka Puntland oo lagu wado maalinka beri ah inuuka furmo hoolka shirar Barlamanka Puntland,waxana gebi ahaan ku dhan Garowe ergada 480-qof ee ansixineysa oo ka kala yimid gobollada.
Halkan ka dhageyso Waraysiga Irbad la yeeshey Nabadoonka