Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: May 16, 2008 - 9:39:45 AM
Wararka
Golaha amaanka oo dalbadey in ciidamo la geeyo Somalia


Golaha amaanka ayaa maanta [ May 16, 2008] ugu yeeray xoghayaha QM Ban Ki-moon in uu sii wado qorshaha ciidamo nabad ilaalineed [QM] lagu geyn lahaa dalka dagaalku halakeeyey ee ku yaala geeska Afrika isla markaana xafiiska Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa oo fadhigiisu yahay Kenya loogu rari lahaa Somalia.

Qararkan oo dhamaan xubnaha golaha amaanka isku raaceen ayaa xoghayaha QM looga dalbadey in dar-dar la galiyo sidii xal siyasaded looga gaari lahaa dhibaatada Somalia.


Golahaan ayaa ku tilmaamey wax laga xumaado xaalada bini'aadnimo oo ka taagan Somalia oo aan laheyn dowlada si guud uga howlgasha tan iyo 1991.

Go'ankan ayaa sidoo kale dib u soo celiyey qaraar ahaa in wadamada xubnaha ka ah golaha amaanka tageero dhaqaale iyo mid qalaba loo helo ciidamada AMISOM taas oo albaabka u fureysa in la soo dhameystiro islamarkana sahli doonta in xoogaga kale oo shisheeye ka baxaan Somalia.

Wadamada ku jira golaha amniga ayaa xoghayaha QM sidoo kale ka codsadey in la hagajiyo wada-shaqeynta hay'adaha QM ee ku howlan takuleynta shacabka Somaliyed iyo in kor loo qaado amaanka gadiidka gaarsiinaya agabkaas dadka tabaaleysan.

Golaha amaanka ayaa gaynta ciidamo ka tirsan QM ku xirey shuruud ah in xaaladu saamaxdo islamrkaana la gaaro xal siyaasadeed. 

Garowe Online+Wakaaladaha

RELATED:
Cabsi dagaal oo ka jirta Sanaag
Barlamanka DF ah oo maanta kulmey
Abu Mansuur oo u hanjabey xildhibaano

Advertisement
 

Somalia: Continuing to fail

EDITORS PICK:

Pirates in total defiance of the UN in Somalia
NAIROBI, Kenya July 5 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us