Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Feb 11, 2014 - 5:11:05 AM
Wararka
Guddi Farsamo oo Kismaayo Tagay

Guddi Farsamo oo ka kooban Xubno Somali ah iyo Ururka IGAD oo u gogol-xaaraya Maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka ayaa Maanta [Nov 10, 2012] ka dagay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, kuwaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaas.

Afhayeenka Kooxda Raaskambooni C/naasir Seeraar Maax ayaa sheegay in Gudigan ay hordhac u yihiin Gudi loogu talogalay inay qayb ka qaataan maamulka Gobolada Jubooyinka loo sameynayo.


"Gudigan waxay u gogol-xaarayaan u yihiin maamul loo samenayo Jubooyinka, balse ma sheegi karo xiliga ay howsha maamul sameyntu dhamaan doonto" ayuu yiri Seeraar oo Dowlada Somalia ku eedeeyay inay faragelin ku hayso Maamul u sameynta Jubooyinka.


Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu ka hadlay maamul ka socday Dowlada iyo AMISOM oo ay Todobaadkii hore dib uga celiyeen Kismaayo, isagoo sheegay inaan lagu soo wargelin, taasina ay keentay inay dib uga celiyaan garoonka.


"Dowlada Somalia intii ay soo dhaweyn lahayd guusha laga gaaray Kismaayo ayay bilowday xagal-daacis, waxaana taas u aragnaa in dowladu aysan doonayn in Al-shabaab laga saaro Kismaayo" ayuu yiri Afhayeenka Raaskambooni.


Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo Mr. Seeraar uu beeniyay warar sheegaya in Al-shabaab ay madaafiic ku weerareen garoonka diyaaradaha Kismaayo markii ay wafdigu ka dageen.


Dhanka kale Afhayeenka Ururka Raaskambooni oo ka Madaxbanaan DF ayaa xusay inaanay jirin dhuxul laga dhoofiyay ilaa hada Dekeda Kismaayo, isagoo sheegay in wararka ku saabsan arintaas ay been tahay, balse ay iyaga ka go'an tahay in la qaado dhuxusha taala Dekeda iyo magaalada Kismaayo.


Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa muran ku saabsan dhoofinta dhuxusha uu u dhexeeyay Dowlada Somalia, Ururka Raaskambooni iyo Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo, iyadoo Dowladu ay ku adkeysanayso inaan la dhoofin karin dhuxul.


GAROWE ONLINE

RELATED:
Yarisow oo Villa Somalia iska-casilay
Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee DF oo la magacaabay
Dr.Gaas oo Itoobiya u dhoofay


Advertisement
 

Vacancy Anouncment Legal Advisor for the Puntland House of Representatives

EDITORS PICK:

Somalia: Acting Boss named to head Central Bank

MOGADISHU, Somalia April 24, 2014 (Garowe Online)

Somalia: Federal Govt troops foil attack on police station in central town

Somalia: Night raid operation targets senior Al Shabaab officials

UN envoy to Somalia condemns MP, journalist murder in Mogadishu

Somalia: Burundi President arrives in Mogadishu on first visit

Somalia: Puntland Police arrest former Federal MP

Somalia: Former warlord refuses to lay down arms

Somalia: Bomb blast in Mogadishu kills Federal MP

Somalia's President stresses need for stability at National Conference on Security

Somalia: Khat plane veers off runway in central town

Somalia: Puntland Defence Forces urged to confront Somaliland, Al Shabaab

Somalia: Military in deadly battle with police in Middle Shabelle

Somalia: Al Shabaab fighters ambush Federal Govt troops in Bay, 6 militants killed

Somalia: Ugandan Guard Unit arrives in Mogadishu for UN personnel, bases protection

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us