Waregto Xeer Madaxweyne oo maanta ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha cusub ee MGPL C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Farole) kuna taariikheysan Lr, 01 Janaayo 2009, kuna saabsan magacaabida Guddiga tira koobka iyo dib u habeynta Ciidamada DGPL.
Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha PL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waxaa lagu sheegay in guddiga tira koobka iyo dib u habeynta ciidamada Booliska, Daraawiishta iyo Asluubta ay sameyn doonaan tira koob sugan iyo dib u habeyn ciidamadooda dhexdooda, waxaana guddiga loo xil saaray tira-koobkaasi ay kala yihiin sidan.
Mayacyada Guddiga:
1- Col. Maxamed Xaaji Cali Shirwac Guddoomiye
2- Col. Cali Maxamed Yuusuf Xubin
3- Col. Axmed Xasan Afey Xubin
4- Col. Bashiir M. Waceys Xubin
5- Col. Axmed Cabdi Cali Xubin
6- Col. Madaxa Hoggaanka Ciidanka Daraawiishta Xubin
7- Xildhibaan C/llaahi Ducaale Cali oo ka wakiil ah Golaha Wakiiladda Puntland Goobjooge,
Waajibaadka Guddiga (Terms of Reference)
1-Tira-koob, dib u habeyn iyo diiwaan gelinta ciidamada oo dhan goob kastoo ay joogaan.
2- Waxaa lagu xulayaa Ciidanka la qaadanayo Shuruudaha hoos ku qoran
A) In uu caafimaad qabo.
B) In uu anshax iyo Asluub Askarinimo leeyahay
C) In uu ka mid ahaa ciidankii hore ee kala daatay
D) In da'diisu u dhaxeyso 20 sano ilaa 55 sani, ciddii aan loo tixgelinayn aqoon iyo waayo aragnimo gaar ahaaneed oo ciidan, oo tababarkiisa iyo hoggaamiantiisa loo isticmaali karo.
3- Guddigu tiradii loo cayimay nooc kasta oo ciidan waa in aynay ka badin.
4- Askarta dhimashada hawlgal loo aqoonsaday, Naafada dagaalada si gaar ah ayaa loo soo tira koobayaa, iyadoon lagu darayn liiska ciidanka howlgeli kara.
5- In guddigu ku soo gabagabeeyo hosha loo xil saaray mudo 20 beri ah, oo ka bilaabmeysa maalinta qoraalkan la saxiixay.
RADIO GAROWE