Home
  Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Jul 4, 2009 - 1:50:24 PM
Wararka
Wareysi Shekh C/qaadir Nur Farax


Waxaa maalintii shalay shir ay isugu yimadeen xubno ka tirsan guddiga amniga gobolka Nugaal soo bandhigeen warbixin ay kaga hadlayeen waxyaabihii u qabsoomey tan iyo intii la aasaasey.
 
Xubnaha saxaafada usoo gudbiyay howlihii u qabsoomey iyo kharashaadkii ay heleen intii uu jirey guddiga amniga gobolka waxaa ka mid ahaa Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ah Guddoomiyaha guddiga,  Maxamuud Ismaaciil iyo xubno kale oo guddiga ka mid ah .
 
Shiikh C/qaadir Nuur Faarax oo ka warbixyay waxyaabihii u qabsoomey guddiga ayaa sheegey in ay ka mid ahaayeen xalinta amaanka caasimada oo markii guddiga la asaasey uu ahaa amaankeedu mid faraha ka baxey balse iminka guulo wax ku ool ah laga gaarey.
 
Wuxuu Shiikhu intaasi ku darey in ay diyaar u yihiin in lagula xisaabtamo wixii ay ka qabteen caasimada ayna ka codsanayaan dadweynaha gobolka Nugaal sii wadaan la shaqeynta guddiga amniga gobolka si looga hortago falalka amniga wax u dhimaya .
 
Guddigu waxay saxafada u qeybiyeen qoraalo ay ku muujinayeen dhaqaalihii ay heleen intii ay howshan socotey iyo meelihii ay ka kala heleen oo ay ku xuseen magacyadoda qoraalada soo bandhigeen.

Guddigan ayaa dhidibada loo taagey kadib markii xukumada Cadde ku guuldareysatey mushahar siinta ciidamada Booliska gobolka Nugaal.

Radio Garowe,Garowe

RELATED:
Dagaalada Muqdisho & Wariye la dilay
'Maxakimta waa burbureen'
Laba weriye la masaafuriyay

Advertisement
 

Analysis: Somalia aid tied to shaky government

EDITORS PICK:

Somalia: Ex-PM Gedi condemns insurgents, praises Puntland
NAIROBI, Kenya July 4 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us