Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
''(TSC) ma garanayo shaqadiisa''

Madaxweynaha DF Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa ku tilmaamey guddiga Farsamo ee xulista xubnaha Barlamanka Somalia kuwo aan shaqaqooda aan aqoon waxay tahay.

Shariif oo shir saxaafadeed galabta 17 August,2012 kadib kulan uu la qaatey wakiilka Qaramada Midoobey Somalia Danjire Augustine Mahiga ayaa ku eedeeyey Guddiga Farsamo (TSC) kuwo aan hawshooda garananeyn iyo doorka ay leeyihiin.

‘’Guddiga farsamadu waxay leeyihiin inay criteria-da dadka u fiiriyaan, awood intaas ka baxsan malaha’’ ayuu yiri Shariif.

Guddiga farsamo ee xulista Barlamanka DF Somalia ayaa dib u celiyey magacyo ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanku kuwaasi oo lala xiriiriyey inay ka mid ahaayeen hogaamiyaal kooxeedyadii xiligii burburka ama ay ku jireen ururadii iyo kooxihii gacanta ku lahaa khalkhalka amaanka dalka.

Madaxweyne shariif ayaa la sheegayaa inuu ka xumaado in la celiyo qaar kamida dadka isku siyaasada yihin uuna ka mid yahay kuxigeenkiisi xiligii Midowgii Maxaakimta Shiikh Cadiqaadir Cali Cumar oo uu wasiirka arrimaha guddaha ka dhigey markii uu kursiga ku fariistey 2009.

Sidoo kale hogaamiyaal kooxeedyada ayuu si dadban u difaacey isagoona sheegey in maxkamad xukun danbiile ah ku ridi karto islamarkaasina aan loo baahneyn in la siyaasadeeyo qorshaha lagu jiro.

‘’Marka la rabo qof in la eedeeyo waa in maxkamad caddaalad ah ay xukuntaa, marka qof ay maxkamad caddaalad ah xukuntay ma jiraa oo la dhihi karo dambiile waaye, waxaa laga hadlaayayna waxay ahaayeen dambiilenimo, marka waxaa la rabaa inaan la siyaasadeyn oo qorshaha sida uu yahay loo wado” ayuu yiri madaxweynuhu.

Maxamed Cabdi Xaabsade oo horey hogaamin jirey ururkii RRA loo yaqaaney ee beelaha Raxanweyn ayaa kamida magacyada la diidey ka midnoqoshadooda Barlamanka iyo weliba wasiirka caafimaadka DF haatan Dr.Shiikh Cabdicasiis oo isna ku waayey xubinimada markii dib loo baarey oo la soo ogaadey inuu la taliye u ahaa Gen.Maxamed Faarax Caydiid.

Horey ayaa Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika u shaaciyeen in cabsi gelin iyo laaluush lagu hayo guddiga farsamo ee xulista Barlamanka Somalia,waxana moodaa markan inay dhaaftey xadkeeda oo faragelin toos ah Shariif ku hayo hawsha guddiga.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Wasiirada Dibadda ee IGAD oo ku shiray Addis Ababa
Cudurka Dabaysha oo laga digay Somalia
Xus lagu qabtay Bossaso


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Deadly battles in central Somalia between Al Shabaab and nomads
BELEDWEYNE, Somalia May 24, 2013 (Garowe Online)

Violence in Somalia scares investors, aid workers

Somalia: Puntland court issues death sentences for Islamic Mufti’s killers

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us