Gudiga & Ururada oo ku shirey Garowe 5 Jan 5, 2013 - 6:49:29 AM
GAROWE ONLINE
Xarunta PDRC ee magaalada Garowe ayaa maanta 05 January ,2012 waxa shir ku wada yeeshey guddiga doorashooyinka Puntland iyo xubno matalayey lixda urur siyaasadeed ee Puntland ka jira.
Kulankan oo maalin keliya ahaa ayaa sida uu sheegey gudoomiyaha guddiga doorashooyinku xusey inuu ahaa sidii horey loogu anba qaadi lahaa baahiyaha ururada ,qaabka ay ugu gudbi lahaayeen wareega labaad iyo sidii ay u ogaan lahaayeen shuruudaha laga rabo.
Laga bilaabo January ilaa 10-February,2014 ayuu xusey Dr.Maxamed Xasan Barre in mudadaasi loo baahanyahy soo buuxinta shuruudaha dhiman cidii ka soo bixi weysana ay hari doonto.
Dhankiisa ayuu Axmed Maxamed Axmed ‘’Dubeys ‘’ waxa uu madasha ka jeediyey shuruudaha looga baahanyahay ururada isagoona raacshey in hawsha inteedi harsaneys ay hada iyo kow bilow tahay.
Xubnaha Ururada siyaasadeed ayaa su’aalo dhankooda weydiiyey guddiga doorashooyinka oo ay uga dan lahayeen in looga turxaan bixiyo arrimaha qaarkood oo mugdi kaga jirey,waxana guud ahaa ku soo dhamaadey jawi Isfahan laga dheehanayey.
Halkan ka dhageyso Warbixinta Siciid Axmed Maxamed diyaarishey