Home
  Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Jul 4, 2009 - 4:51:38 PM
Wararka
Gudigii maamulka Banadir oo la kala diray


Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] ayaa gabi ahaan kala diray gudigii maamul u sameynta Gobolka Banaadir, isagoo ku eedeeyay inay ku guuldaresyteen inay qabtaan howshiii loo igmaday.

Nuur Cadde ayaa qoraal uu ku kala dirayo gudigaas u diray, iyadoo gudigan oo lagu waday inuu mudo 15-maalmood ah ay ku dhisaan maamulka Gobolka Banaadir ay sii marayaan laba bilood.

"Ma garanayno wuxuu qoonasay Ra'iisul wasaaruhu, waxaa gudiga la gaarsiiyay qoraal lagu amrayo inay howlahooda joojiyaan ayna fasaxan yihiin" ayuu Garowe Online u sheegay mid ka mid ah saraakiisha ku dhowdhow Nuur Cadde.

Gudigan ayaa dhowr jeer oo hore ka codsaday Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Nuur Cadde in loo kordhiyo xiliga maamul sameynta, iyagoo dhawaan soo bandhigay shaxda gudiga dooranaya gudoomiyaha G/Banaadir.

Beelaha Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay shaxda uu gudigan soo bandhigay mid aysan ku qanacsanayn, iyadoo beesha Abgaal ay ku dooday in maamulka Gobolka Banaadir aan lagu sameyn karin nidaamka 4.5-ka.

Max'ed Dheere oo ah gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna musharax u taagan jagadaas ayaa ku eedeeyay gudigan inay lusandeen lacag gaaraysa $90,000.

Lacagtan ayuu sheegay inay bixisay Qaramada Midoobay looguna talogalay maamul sameynta Gobolka Banaadir, balse ma jirto cid uu si gaar ah u sheegay inay lacagtaas lunsatay.

Shirkii bishii hore ka dhacay Nairobi ee ay soo qabanqaabisay IGAD ayaa looga dalbay gudigaan inay mudo 15-maalmood ah kusoo dhisaan maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo taasna ku guulaysan waayay.

Gudiga laga joojiyay howshooda ayaan weli la hadlin saxaafada, waxaana shaqo joojintooda ay kusoo beegmaysaa iyadoo shirkii dib u heshiisiinta uu ka furmayo Jabuuti maalmahan.
 
Garowe Online, Muqdisho

RELATED:
Dagaalada Muqdisho & Wariye la dilay
'Maxakimta waa burbureen'
Laba weriye la masaafuriyay

Advertisement
 

U.S. weapons to Somalia: The Disastrous Move

EDITORS PICK:

Somalia: Ex-PM Gedi condemns insurgents, praises Puntland
NAIROBI, Kenya July 4 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us