Gudiyadii amaanka iyo siyaasada ee DF iyo mucaaradka ARS ayaa maanta
gaaray dalka South Africa halkaasoo ay ku qaadan doonaan siminaar socon
doona mudo ka badan 5-maalmood.
Xubnaha DF iyo mucaaradka oo ka kooban min 11-xubnood ayaa waxaa
halkaas kusoo dhaweeyay wafdi ka socda UN-ka oo uu hogaaminayo wakiilka
gaarka ee arimaha Somalia Ahmadou Ould-Abdallah.
Wafdiga labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah; Wasiirka warfaafinta
Somalia Axmed C/salaan Xaaji Aadan, Xoghayaha ARS Cumar Xaashi Aadan,
C/shakuur C/raxmaan Warsame, Max'ed Max'ud Xayd iyo kuwo kale.
Siminaarka ay gudiyadan ku qaadan doonaan ayaa looga hadli doonaa
dhinacyada horumarinta amaanka, xuquulqul insaanka iyo weliba dowlad
wanaaga.
Ergayga UN-ka ee Somalia ayaa horay u sheegay in DF iyo ARS
gudiyadoodu ay isku arki doonaan dalka South Africa si ay uga hadlaan
howlaha horyaala, loona sii wado wadahadaladii Jabuuti.
Mucaaradka iyo DF ayaa waxaa weli u dhiman inay saxiixan qodobadii
ay ku heshiiyen gudiyada ay dhisteen, iyadoo shirkii ay bishii hore ku
yeesheen dalka Jabuuti uu burburay markii la isku khilaafay qodobka
bixitaanka ciidamada Ethiopia.
Dabayaaqada bishan ayaa lagu wadaa inay kulan kale ku yeeshaan
dalka Jabuuti, kasoo lagu sheegay inay ku saxiixi doonaan heshiiskii ay
gaareen, oo aan weli la saxiixin.
Garowe Online, Muqdisho