From Garoweonline.com

Wararka
Gudiyadii DF iyo ARS oo gaaray S.Africa
By
Oct 11, 2008 - 7:46:49 AM

Gudiyadii amaanka iyo siyaasada ee DF iyo mucaaradka ARS ayaa maanta gaaray dalka South Africa halkaasoo ay ku qaadan doonaan siminaar socon doona mudo ka badan 5-maalmood.

Xubnaha DF iyo mucaaradka oo ka kooban min 11-xubnood ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay wafdi ka socda UN-ka oo uu hogaaminayo wakiilka gaarka ee arimaha Somalia Ahmadou Ould-Abdallah.

Wafdiga labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah; Wasiirka warfaafinta Somalia Axmed C/salaan Xaaji Aadan, Xoghayaha ARS Cumar Xaashi Aadan, C/shakuur C/raxmaan Warsame, Max'ed Max'ud Xayd iyo kuwo kale.

Siminaarka ay gudiyadan ku qaadan doonaan ayaa looga hadli doonaa dhinacyada horumarinta amaanka, xuquulqul insaanka iyo weliba dowlad wanaaga.

Ergayga UN-ka ee Somalia ayaa horay u sheegay in DF iyo ARS gudiyadoodu ay isku arki doonaan dalka South Africa si ay uga hadlaan howlaha horyaala, loona sii wado wadahadaladii Jabuuti.

Mucaaradka iyo DF ayaa waxaa weli u dhiman inay saxiixan qodobadii ay ku heshiiyen gudiyada ay dhisteen, iyadoo shirkii ay bishii hore ku yeesheen dalka Jabuuti uu burburay markii la isku khilaafay qodobka bixitaanka ciidamada Ethiopia.

Dabayaaqada bishan ayaa lagu wadaa inay kulan kale ku yeeshaan dalka Jabuuti, kasoo lagu sheegay inay ku saxiixi doonaan heshiiskii ay gaareen, oo aan weli la saxiixin.
 
Garowe Online, Muqdisho


http://www.garoweonline.com