"Waa inaad isdifaacdaan"-Dhageyso 14 Dec 14, 2011 - 11:07:12 AM
Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa maanta Dec 14,2011 si kulul ugu hadlay xaaladaha amaan ee guud ahaan gobolkaasi,waxaana hadalka maamulku yimid ka dib dhacdooyin ay ka mi yihiin weerar lagu kexeystay wiil yar oo 9-sanno jira kaasoo dhinaca Galmudug lala aaday.
Gudoomiyaha Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo wariyeyaasha Gaalkacayo kula hadlay maanta ayaa ugu horayn ka warbixyey kormeer ay maamulka uu madaxda ka yahay,saraakiil ciidan iyo waxgaradkuba ay ku tegeen saldhigayada ciidamada ee Aaga Bari,Ceel la helay,Godod,waxaana ujeedada kormeerkan gudoomiyuhu ku sifeeyey in ujeedadiisu ahayd sugida iyo adkaynta xuduudaha Puntland ee dhinaca Xeebta badweynta hindiya iyo tan dhinaca Ethiopia.
Max'ed Yuusuf ayaa hadlo guubaabo iyo waano iskugu jira u jeediyey guud ahaan dadweynaha reer Puntland oo sheegay in cadaw lagu yahay amaankooda, horumarkooda iyo in laga cidhib-tiro dadka waxtarka u leh wuxuuna ku baaqay in meel looga soo wad jeesto.
"Shacabka Gaalkacyo waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan sugida iyo difaaca magaalada,waana in aad samaystaan guddiyo lana shaqaysaan ciidamada amaanka loo diyaariyey oo magaalada ka hawlgala,dawladdu diyaar bay u tahay dawrkeeda shacabkuna ha ka soo baxo kaalintiisa"ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Mudug.
Hadalka gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa imaaniya xilli maanta ay weer rasaas lala eegatay madaarka Gaalkacyo ee Puntland,taasoo ciidamada ilaalada garoonkuna ay jawaab ka bixiyeen,
Bishii la soo dhaafay ayay laba jeer madaafiic ku tureen garoonka maleeshiyaad ka tirsan dhinaca Galmudug waqti garoonku mashquulsanaa oo ay diyaradana kacayeen kuwana soo degayeen.