Gallan oo u digey Cabdulaahi Samatar 9 Feb 9, 2013 - 8:39:20 AM
GAROWE ONLINE
Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa digniin kulul u jeediyey rag uu ka mid yahay Gen Samatar oo horey wasiirka amniga ah uga ahaa Puntland.
Gallan oo wariyaasha kula hadlay magaalada Bossaso maanta 09 February,2013 ayaa sheegey in dhowaan magaalada ay jireen rag ka waday kicin dadweyne iyo khalkhalin amaan oo uu raacshay inaysan u dulqaadan doonin.
‘’Waxa cadaatey in Cabdulaahi Samatar iyo Liibaan Boqor ay yihiiin labada nin ee laf dhabarta u ah Amni xumada ka socotey Bossaso ,waxa la shaqeynaya rag la yaqaano oo faro ku tiris ah ,waxaanu cadeyneynaa inaan ka aamusi doonin ,aanuna talaabo ka qaadi doono ,cid sharciga ka wayn ma jirto’’ ayuu yiri gudoomiyuhu.
NIdaamka Axsaabta badan ee Puntland u gudubtey ayuu tilmaamay in waayadan danbe dadweynuhu ku hawlanayeen halka ragani khalkhalinta amaanka iyo xasiloonida Puntland oo uu ka digey cidii garab siiya.
Mudaahraadyo aan jirin ayuu xusey inay soo abaabuleen ragan oo la sodey maleeshiyo beleedyo hubeysan oo aan loo dulqaadan doonin inay magaalada dhex maraan sida uu hadalka u dhigey.
Halkan ka dhagayso Shirka Ja’raaid ee Gudoomiyaha gobolka Bari