Ugu yaraan 5-qof oo uu ku jiro guddoomiye ku
xigeenkii Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir Xasan Cilmi Abtidoon
[Xasan Cadde] ayaa ku dhintay qarax xooggan oo maanta lala beegsaday
gaari uu watay.
Mas'uulkaan ayaa waxaa la dhintay saddex ka tirsan ilaaladiisa iyo
xaaskiisii, waxaana geerida mas'ulkaan saxaafadda u xaqiijiyay
gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyadiin Xasan Jurrus.
Qarax lala helay gaariga u watay Xasan Cadde ayaa ahaa miino la
geliyay wadada dhinaceda, waxaana uu qaraxan ka dhacay meel ku dhow
Isgoyska Towfiiq ee Degmadaas.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay
Warsidaha Garowe Online in sidoo
kale ay qaraxaas ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaaladii guddoomiye
xigeenka dhintay, kuwaasoo loo qaaday Isbitaalka Keysaney ee duleedka
Muqdisho.
Baaburka la qarxiyey ayaa ahaa TOYOTA Cabdi-bile waxana gaaray
burburay xooggan; iyadoo qaraxaan la rumeysan yahay inay ka dambeyeen
kooxaha ka horjeda siyasadda DF, balse ma jirto cid sheegatay inay
iyadu ka dambeysay.
Ciidamada Booliiska Degmada Yaaqshiid oo soo gaaray goobta ayaa
waxay sameeyeen baaritaanno iyagoo kexeystay dad ay ka mid ahaayeen
arday iskuul ku jirtay, waxaana dadkaas qaarkood lagu eedeeyay inay
gacan ka lahaayeen qaraxa.
Agaasimaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/rashiid Ibraahim
Max'ed oo saxaafadda kula hadlay xarunta maamulka Gobolka ayaa wacad ku
maray inay gacanta kusoo dhigi doonaan kooxihii qaraxaas ka dambeeyay.
Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Axmed Jacfaan oo ka hadlay
shirkaas jaraa'id ayaa isaguna sheegay in qaraxan lagu dilay Xasan
Cadde uusan gelinayn wax walwal ah oo ay howlahooda sii wadan doonaan
inta dhammaantood la dilayo.
Dhanka kale, mucaaradka ka horjeeda DF ayaa waxay toogasho ku
dileen askari ka tirsan Booliiska degmada Madiina, iyagoo ka qaatay
qorigii uu watay, waxaana maydka askarigaas soo qaatay askartii uu ka
tirsanaa.
Garowe Online, Muqdisho