Gudoonka waxbarashada Bossaso 13 Dec 13, 2012 - 5:21:48 AM
GAROWE ONLINE
Digree
to ka soo baxday maanta 13 December,2012 wasaarada waxbarashada Puntland ee Garowe ayaa lagu magacaabay Cabdulaahi Xasan Abshir gudoomiyaha waxbarashada degmada Bossaso ee xarunta gobolka Bari.
Magacaabistan ayaa loo sababeeyey dardargelinta hawsha iyo dhiirigelinta hawlwadeenada ka tirsan wasaarada waxbarashada Puntland,waxana ku saxiixan wasiir ku xigeenka ahna sii haya xilka Maxamed Cabdulaahi Bootaan.
Dowladda Puntland ayaa dhowaanhan xilal kala duwan u magacaabeysey dhalinyaro ka soo baxda jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda,waxana ay qayb ka tahay siyaasada xukumadda Dr.Farole ee dhiirigelinta dhalinyarada aqoonta leh reer Puntland.
Halkan ka akhriso wareegtada lagu magacaabay gudoomiyaha waxbarashada degmada Bossaso.