|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Jul 16, 2008 - 10:41:23 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Guriga Qanyare oo la weeraray
11 May 11, 2008 - 7:11:49 AM
|
Mid ka mid ah ilaalada Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa dhintay halka mid kalena uu dhaawacmay, kaddib markii weerar lagu qaaday guriga Maxamed Qanyare uu ka daganaa Baydhabo.
Weerarkaan oo ay kasoo baxaan warar kala duwan; ayaa qaarkood waxay sheegayaan in kooxo aan la garanayn ay weerar ku qaadeen guriga, iyagoo toogtay labadan ka tirsan ilaalada Qanyare, dabadeedna ka qaatay qoryihii ay wateen.
Guriga Qanyare oo ku yaalla xaafadda Cadaadda ee Baydhabo ayay warar kale sheegayaan in ilaalada guriga Qanyare ay dagaalameen kaddib markii uu khilaaf xooggan soo dhexgalay, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca.
Labada ruux ayaa waxay ku dhaawacmeen rasaas lagu furay, iyadoo mid ka mid ah uu ku dhintay Isbitaalka Baydhabo, halka dhaawicii kalena la daweynayo, waxayna howlwadeennada Isbitaalka Baydhabo sheegeen in dhaawaca ruuxa dhintay uu ahaa mid aad u daran.
Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa dalka dibadda uga maqan, isagoo horay saxaafadda ugu sheegay inuu Nairobi ku joogo fasax caafimaad.
Maamulka Gobolka Bay oo wax laga weydiiyay weerarka lagu qaaday guriga Xildhibaan Qanyare uu ka daggan yahay Baydhabo ayaa waxay sheegeen inaysan wax war ah u hayn, balse ay baaritaanno sameyn doonaan si ay xog dheeraad ah uga helaan weerarkaas.
Ilaalo ka tirsan Madaxtooyada Somalia ee Baydhabo ayaa waxay waardiye ka hayaan guriga Qanyare markii uu weerarku dhacay kaddib, iyagoo sameeyay baaritaanno kala duwan, balse aan cidna uu soo qaban weerarkaas.
Sidoo kale ma jirto cid sheegatay inay weerarkaas ka dambeysay, waxaana kacsan xaaladda guriga xildhibaan Qanyare uu ka dagan yahay Baydhabo, iyadoo uusan ka hadlin weerarkaas Xildhibaan Qanyare.
Weerarkaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo lagu qaado guri uu daggan yahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DF oo ku yaalla Baydhabo, iyadoo dhawaanahaan ay hajabaadyo kasoo baxayeen Ururka Al-shabaab.
Garowe Online, Baydhabo
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|