Hanbalyada Dr.Farole ee Ciida 18 Aug 18, 2012 - 10:42:59 AM
GAROWE ONLINE
Madaxweynaha Dowalada Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa hanbalyo u direy dhamaan umadda reer Puntland iyo guud ahaan Somalia oo ku aadan Munaasabada Ciida.
"Ciid Mubaarak...Ciid Mubaarak'' ayuu madaxweynuhu yiri caawa mar uu la hadalyey warbaahinta gudaha Puntland ka hawlgasha waxan uu Alle uga baryey in Soonkii bisha barakeysan dhamaan ka aqbalo iyo sanadkan sanadkiisa oo barwaaqo lagu gaaro.
Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa xusey in dalka qaybo ka mid ah ay ka jiraan dhibaatooyin loona baahanyahy in lagu xamdi naqo nabada iyo horumarka aan ku haysano Puntland.
Ugu danbeyntii madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in maalmaha soo socda ay Somalia u dhalato dowaladd dhamaystiran oo dlaka ka saarata dhibaatada lagu jirey in ka badan 20 sanno.
Halkan ka dhageyso Codka madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Farole