AMISOM oo loo kordhiyey 4 bilood 8 Nov 8, 2012 - 12:24:01 AM
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddo afar bilood ah ugu darey hawlgalka ciidamada nabad ileelineed ee Midowga Africa AMISOM kadib kulan ay ka yeesheen xaalada Somalia.
Golaha ayaa go'aansadey 4 bilood inay ugu daraan hawlgalka kadib markii sanad laga filayey sidii caadada ahayd inay ku daraan ,si dib loogu eego hawlgalkan lana diraaseeyo ka qaadida cunaqabadeynta hubka iyo dhoofinta dhuxusha.
Midowga Afrika ayaa golaha ku booriyey inay ka qaadaan Somalia cunaqabadeynta ,si dalka dib loogu dhiso oo ciidankana ay hantaan amaanka loona xoojiyo guulaha laga gaaray dagaalkii lagu jebiyey kooxda Al-shabaab.
Kulankan ayaa ku soo beegmey xili dooda golaha dhexdiisa ka socoto oo ku saabsan in laga qaado dalka cunaqabadeynta hubka ee saarneyd muddo 20-sanno ka badan.
GAROWE ONLINE