Sanaag: Hawlgal lagu sugayo amniga 9 Dec 9, 2012 - 3:23:34 AM
GAROWE ONLINE
Maamulka gobolka Sanaag ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo amniga lagu sugayo oo ka socday maalmihii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Gobalkaasi.
Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Axmad (Ciyoon) oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay adkeeyeen amniga deegaanada uu ka kooban yahay Gobalka Sanaag,wuxuna sheegay shacabka iyo ciidanka amniga inay wadaan dadaalo lagu ogaanayo soo galida iyo ka bixitaanka Gobalka.
Dhinaca kale Mamulka Gobalka Sanaag ayaa wada qorshe shacabka looga Aruurinayo canshuurta ku waajibtay ,taasoo dadka ku dhaqan ay soo dhaweeyeen kuna tilmaameen inay tahay horumar iyo dhisida mashruucyada lagu horumarinayo deegaanada Sanaag,
Docda kale maalmihii lasoo dhaafay Gobalka Sanaag waaxa booqasho kooban ka tagay wafdiyo ka kala socda wasaradaha qorshaynta iyo waxbarashda,waxayna u dhabo galayeel xaalada waxbrashada iyo qaabka ay dadku u nool yihiin.
Ugu danbantii Gudoomiyaha Gobalka Sanaag ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan sugida amniga iyo bixinta canshuurta dowlada hoose,wuxuna tilmaamay hadii si wanaagsan loo bixiyo canshuurta ay wax qabsi balaaran la imaan karaan mamulka Gobalka iyo shacabka.
Halkan ka dhgeyso Cali Fantastic oo wareystey Gudoomiyaha gobolka