Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Hogaamiyaal kooxeedyadii oo la diidey

Guddiga Farsamo ee xulista Barlamanka Somalia (TSC) ayaa ku dhowaad 70 qof oo saaxada siyaasada dalka hore uga tirsanaa ku diidey inay ka mid noqdaan xildhibaanada DF kadib markii ay ka soo bixi waayeen shuruuridihii iyo waxyaabihii loo firinayey ka mid noqoshada xubinta Aqalka Shacabka.

Shriweynihii dastuurka Somalia ee heer Qaran oo Garowe ka dhacey Feberuary 2012 ayaa lagu qeexey shuruudaha laga doonayo xubnaha Barlamanka ka mid noqonaya.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah (TSC) umaysan shaacin sababta ay masuliyiinta dib loo celiyey dalabkoodi ,balse ilo ka agdhow guddigan ayaa GO u sheegey in dadka la diidey ay horey danbiyo dagaal u soo galeen halka qaybtood ka mid ahaayeen kooxihii ka qayb qaatey khalkhalgelinta amaanka dalka.

Wararku waxay sheegayaan in wasiirkii hore ee arrimaha guddaha kana tirsanaa Midowgii Maxaakimta Islaamiga (Gudoomiye kuxigeenka Fulinta) Shiikh Cabdiqaadir Cali Cumar in loo diidey xubinimada Barlamanka.

Sidoo kale Maxamed Qanyare Afrax oo hogaamiyaal kooxeedyadii Muqdisho ka mid noqdey kadib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Caydiid islamarkaasina jagooyina ka soo qaybta dowladii Col.Cabdilaahi Yuusuf ayaa isna laga celiyey codsigiiisi ku biritaanka Xildhibaanada.

Sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoonyahay waxa musharaxiinta loo diidey ka midnoqoshadoodi ururo iyo kooxo siyaasadeed oo dalka danbiyo horey uga galay sida (ICU) iyo (USC).

Digniin todobaadkan ka timid Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa lagu booriyey Guddiga Farsamada Xulista inay celiyaan dhamaan siyaasiyiinta horey danbiyo ,tacadiyo ,cabsi gelin ka qayb qaatey iyo kuwa laaluushka iyo musuq maasuqa laga bartey iyadoona loogu danbeesiyey qasdayaasha oo dhamaan laga digey ka midnoqoshadooda Barlamanka soo socda.

Waxa la sheegey in wareysiyo ay (TSC) la yeelanayaan xubnaha ay soo gudbiyeen Odayaasha Dhaqanku oo la eegayo inuu qofkani la keeney buuxinayo shuruudihii loo baahnaa iyadoona aqoon la’aan la shaaciyey in qaar loo celiyey.

Dhinaca Garowe Online ayaa ilo wareedyo lagu kalsoonyahay u xaqiijiyeen inay musharaxiintu laaluush siinayaan Odayaasha Dhaqanka ee xildhibaanada dooranaya si ay awrka ugu kacsadaan balse waxa la raaciyey inay mudanyaasha cusub naftirkoodu ka diideen odayaasha talaabadan oo dhankooda rabaan inay u codeeyaan hadba kii markaasi is afgartaan.

Si kasta oo xaaladu ahaatoba maalamaha soo socda shacabka Somalida iyo beesha caalamkuba waxay indhaha ku hayaan magaalada Muqdisho oo wax badan laga filayo.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Maxkamada Bossaso oo ku riday xukuno Jariifayaal
DF oo ka hadashay go’aankii SL
TPEC oo shaacisay xiliga doorashada


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland police receive gender violence training
GAROWE, Somalia May 19, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us