Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Horseed oo kulan u qabatay Dhalinyarada

GAROWE ONLINE

Urur siyaasadeedka talada Puntland haya ee Horseed ayaa galabta 22 January 2013 hotelka Panorama magaalada Bossaso waxa xubno ka tirsani la kulmeen Dhalinyarada gobolka Bari.

Wasiirka Gaadiidka iyo hawlaha guud Eng.Daahir Xaaji Khaliif ,wasiir ku xigeenka Deegaanka Burhaan Xirsi Cilmo ,wasiir ku xigeenka Amniga Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil ,Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdismad Maxamed Gallan,Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon iyo sarakiil kale oo ka tirsan ururka ayaa kula kulmey boqolaal ardeyda Jaamacdaha ka dhigta Bossaso.

Daahir Xaaji Khaliif waxa uu dhalinyarada uga waramay qaab dhismeedka Urur siyaasadeedka Horseed ,Asaasayaashiisa iyo himilooyinka marka u xisbi u xuunsiibto.

‘’Dhalintu waa hogaanka dalka berito waxaanuna u baahanahay inaad ka qayb qaadataan Geedi socodka Dimoqraadiyada Puntland oo xibiga Horseed ka yahay hormuud’’ ayuu yiri wasiirku.

Dhankiisa ayaa wasiir xigeenka Amniga Puntland waxa uu dhalinyarada ku booriyey inay ka shaqeyaan amaanka iyo xoojinta nabadgelyada islamarkaasina cidii ay ka shakiyaan ama amaan darro ku dhaqaaqda la soo socod siiyaan laamaha amaanka.

Dhalinyarada ka qayb gashay kulankan ayaa dhankooda soo jeediyey hadalo ku saabsan guud ahaan geedi socodka Puntland uga baxdey habkii Qabiilka wax ku qaybsan jirtey iyagoona amaan gaar ah ku siiyey Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole xukuumada u horkacayo.

Taageero ayay dhalinyaradu u muujisey ururka Horseed oo u horseedey Puntland sida ay shegeen inay ka gudubto marxaladii Jahliga loogana baxay Dimoqraadiyada iyo Codka cidaad kalsooni ku qabtey inaad siisid.

Intii ay socotey waxa su’aalo ku saabsan ururka iyo qorshayaashiisa dhalinyaradu weydiisey masuuliyiinti ka socotey Uurrka Horseed,waxana uga jawaabay wasiirkada Gaadiidka iyo Degaanka.

Ugu danbeyntii waxa soo xirey xaflada Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Gallan oo tilmaamay in cida wadada loo xaaraya ay tahay dhlinyarada loona baahanyahay inay ka qayb qaataan Ururka Horseed oo fursado badan u balanqaadaya.

‘’Waagii hore qofka xildoonka ah waa uu is cayilin jirey si qof weyn loogu maleeyo balse hada waxay tagaysaa in inta la isdhuubo oo timahana la soo jarto la iska dhigo dhalinyaro madaama ay dalka hogaaminayaan beri iyagu’’ ayuu yiri Gudoomiye Gallan.

Dhowaan waxa lagu wadaa in kulamo sidan oo kale ah lagu qabto magaalooyinka Puntland ,waxana Horseed masuliyiintu shegeen in dhalinyaradu fure u tahay hawsha ururkan.





















RELATED:
AMISOM: ''Amniga waan sugaynaa''
Xildhibaano ka laabtay Mooshin
Dibadbax ka dhacay Muqdisho


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman
MOGADISHU, Somalia May 21, 2013 (Garowe Online)

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us