Howlgalo lagu qabtay boqolaal qof 14 Jan 14, 2013 - 6:12:23 AM
Ciidamada DF oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa maanta 14 January,201
3 howlgalo ay ka sameyeen Degmoyinka ka tirsan Gobolka Banaadir waxay kusoo qabqbateen in ka badan 470 qof sida uu saxaafada u sheegay Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Gen. Khaliif Axmed Ereg.
Gen. Ereg ayaa sheegay in Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid oo ay howgalada ka sameeyeen ay yihiin degmooyin ay aad ugu tuhmayeen ina ku nool yihiin kooxaha gacan-saarka la leh Al-shabaab.
“Howlgalka waxaan kusoo qabanay 477 qof, 137 ka mid ah waxaa lagu sameyn doonaa baaritaanno dheeraad ah intii kale oo 300 ka badana waan sii daynay” ayuu yiri Gen. Ereg oo Howlgalada ku sheegay inay yihiin kuwo lagu sugayo Amaanka.
Dadka la qabqabtay oo ahaa dhalinyaro ayaa waxaa laga soo qabtay qaarkood guryahooda xili ay hurdayeen maadaama uu howlgalku bilowday xalay gelinkii dambe.
Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa mid lagu guuleystay, isagoo dadkii lasii daayay kula dar-daramay inay la shaqeeyaan Hay’adaha Amaanka si Amaanka loo adkeeyo.
“Qofkii doonaya inuu xaafadiina ka dhigo amaan-daro, isbitaalkiina xiro, Iskoolkiina xiro ma filayo inuu yahay qof lala shaqeyn karo, sidaa daraadeed waa inaad ka hortagtaan idinkoo la shaqeynaya ciidamada amaanka” ayuu Gen. Maalin kula dardaarmay dadkii howlgalada lagu qabqabtay ee lasii daayay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhaawanahan ka dhacayay falal isugu jira dilal qorsheysan iyo Qaraxyo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo xiriir la leh Al-shabaab oo sannadkii 2011 isaga baxday Degmooyinka Muqdisho.