From Garoweonline.com
Hub laga helay Ceelasha-Biyaha
By
Apr 22, 2012 - 6:57:32 AM
Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay heleen hub lagu keydiyay dhulka hoostiisa kaasoo aan la ogeyn cida iska leh, balse Afhayeenka Milateriga Al-shabaab oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay cid walba oo sheegata hubka ay sharciga ku kala bixi doonaan.
Sh. C/casiis Abu-Muscab oo la hadlayay Radio Andlus oo Al-shabaab ay leedahay ayaa sheegay in hubkaas ay kasoo saareen guri laga dhisay dhulka hoostiisa, ayna soo saareen qaar ka mid ah dagaalyahanadooda.
"Hubka cid walba oo soo sheegata waxaan ku kala baxaynaa diinta Islaamka. Inagu ma oran hubkan waxaa iska leh dowlada, cadow iyo cid kale midna" ayuu idaacada ka sheegay Sh. Abu-Muscab.
Ma jirto cid sheegatay inay leedahay hubka, waxaana afhayeenka u hadlay kooxda Shabaab uu sheegay inay tahay markii ugu horeysay oo hub lagu keydiyay meel qarsoon ay soo saaraan.
"Waxaa lagu qariyay hubkan guri ku yaala Deegaanka KM15 oo ka tirsan Ceelasha Biyaha, waxaana laga soo saaray guri laga sameeyay dhulka hoostiisa" ayuu yiri Sh. Abu-Mucab. "Hubkan waxaa ku jira qoryaha fudud iyo kuwa Kaarayaasha lagula dagaalamo" ayuu hadalkisa ku daray.
Inkastoo Al-shabaab ay sheegeen inay hubkan heleen ayaa wuxuu afhayeenkooda sheegay inay cadaalada ku kala baxayaan cidii leh, iyadoo isweydiintu tahay cida sheeganaysa maadaama Al-shabaab lagu bartay inay dadka dilaan.
Arintan ayaa waxay hadal haynta ugu badan dhex-dhigtay dadka Muqdisho ku nool iyo kuwa ku nool deegaanada loo barakacay, iyadoo aan la ogeyn xiliga iyo sababta hubkaas loogu keydiyay dhulka hoostiisa.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com