|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
ICRC oo ka hadashay shaqo-joojinta
2 Feb 2, 2012 - 6:32:31 AM
|
Hay'ada ICRC oo Todobaadkan ay Al-shabaab ka joojisay shaqadii ay Koonfurta iyo Bartamaha Somalia laga joojiyay ayaa sheegay inay sii wadayso howlaha samofal ee ay ku caawinayso Somalia, waxayna iska fogeysay eedeyn loo jeediyay.
Warbixin ay soo saartay Hay'ada ayay ku sheegtay in Eedeynta Al-shabaab ay tahay mid aanay waxba ka jirin, waxaana qoraalka ay ku sheegtay inay sii wadi doonto howlaha ay ku caawinayso Somalida oo aysan sidaas ku joojinayn.
"Go'aankii kasoo baxay Al-shabaab waa mid aan aad uga xunahay, laakiin waxaa naga go'an inaan howlaha samofalka sii wadno" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay ICRC.
Hay'adan ayaa waxay ka mid ahayd hay'adihii yaraa ee ku haray goobaha ay Al-shabaab ka taliso, dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ay Al-shabaab sheegtay inay howlihii ay ka hayeen gobolada ay ka taliso ka joojisay 16 hay'adood oo kuwa samofalka ah.
Sidoo kale ICRC waxay noqonaysaa haya'dihii ugu horeysay oo kasoo horjeesata shaqo ka fariisin ay Al-shabaab kusoo rogtay, iyadoo Hay'adu ay sheegtay in markii lagu soo rogayay shaqo joojinta ay doonaysay inay qaybiso 17,000 tan oo raashin ah.
Al-shabaab ayaa waxay ku eedeysay ICRC inay isku dayday inay raashin dhacay u qaybiso dadka Soomaaliyeed iyagoo taas ka hortagayana ay qaateen go'aanka ay shaqada kaga joojiyeen.
Hay'ada ICRC ayaa waxay sheegtay in raashin xumaaday ay horay ugu soo bandhigtay Al-shabaab, ayna been tahay inay doonayeen inay raashin dhacay u qaybiyaan dadka Soomaaliyeed.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|