Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Nov 3, 2008 - 11:09:50 PM
Wararka
Hay'ada Interpeace oo la eedeyey


Qaar ka tirsan Issimada iyo Xildhibanada Barlamanka Puntland oo la soo xiriirey warsidaha GO ayaa sheegey in wel-wel wayn ka qabaan Hay'ada Interpeace oo tageerta PDRC & CRD, ay mudanayasha aqalka wakiilada Puntland gunooyin ku siinayaan sidii ay u ansaxin lahayen Dastuur muran ka dhaliyey maamul goboleedka.

Halkan ka dhageyso dooda Barlamanka Pl ka yeeshay Dastuurka July 21,2008 Riix You toube-kan

Hay'ada PDRC oo tageero dhaqaale ka heleysa Interpeace ayaa horey mashruuc ugu qaadatey sameynta Dasturkan [AKHRI] kaas oo golayasha dowlada loo soo gudbiyey xili xukuumada Cadde Muse xilkeedu ka dhiman yahay muddo ka yar Lix Bilood.

Xildhibaano diidey in aan magacooda shaacino ayaa warsidaha GO u sheegey in ay faragalin siyaasdeed u arkaan in hay'ada Interpeace oo tageeraysa PDRC lugaha la soo gasho xili Hoolka Barlamanka Puntland ka socoto dood kulul oo la xiriirta Dastuurka kaasoo xukuumada Cadde Muse rabto in la ansaxiyo inta uusan ka dhamaan xillka.

Mudanayaashaan ayaa intaas ku darey in arinkaan uu olole xoogan ugu jiro ninka lagu magacaabo Cabaas Gacma-gaab kaas oo u shaqeeya Interpeace isaga oo markii Axdigan Barlamanka hadda horyaal la sameynayey howlwadeen u ahaa.

Xildhibaanadan ayaa intaas raaciyey in Cabaas Gacmo-Gaab hadda faraha kula jira dabadana ka riixaya sidii Axdigaan looga ansaxin lahaa Barlamanka Puntland.

"Ma aheyn in hay'adahaan faraha la soo galaan golayaasha dowlada, waqtigooduna waxaa uu ku ekaa markii ay soo gudbiyeen axdigaan." sidaas waxaa GO u sheegey Xildhibaan ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Issimada Puntland oo baaq horey u soo saarey AKHRI    ayaa ka digey Dasturkaan in la horgeeyo Barlamanka kaasoo xiliga la soo bandhigey yahay mid shaki wayn galiyey dhamaan shacabka gobolka iyaga oo codsadey in dib loogu noqdo islamarkaana ugu yeeray bulshada shirweyne wadatashi.

Dhinaca kale xeeldheere shuruucda Dastuurka oo Garowe Online wax ka waydiisay Axdigaan PDRC ku mashruuc qaadatey diyarintiisa in uu yahay mid wafaqsan sharciga ayaa yiri " Waa nasiib daro in dawladu ku tumato Axdiga ku melgarka ah ee DGPL, maadama ay meel iska dhigtay waxa ku qoran. Tusale ahaan Axdida hada jira ee DGPL, lifaaqiisa kowaad wuxuu sheegay in dawalada hada jira tahay KMG ah. Wuxuu Axdigu sida oo kale sheegayaa in dawladu ay sadex sano oo keliya jirto. Sida oo kale wuxuu Axdigu sheegaya in mudada sadexda sano ah dawlada markaas jirtaa looga baahan yahay in samayso arimo badan oo ay ugu waaweyn yihiin afti dadweyne oo la qaado iyo tirakoob shacabka oo la sameyo. Hadii ay dawalada markaas jirtaa ay arimahaas ku guulaysan weydo Axdigu (Lifaaqa 1aad, qaybtiisa 3aad) wuxuu leeyahay sedan;

“Haddii sabab kasta awgeed Dawladdu fulin weydo Arrimaha tirakooobka, aftida Dastuurka, Doorashada Golayaasha (Golaha Wakiillada Iyo Golaha Deegaanada) labada bilood ee ugu dambeeya 3da sano ee ku meel gaarka ah ayaa hab beeleed ee waafaqsan sidii lagu soo xulay Golaha Wakiillada ee hadda jira lagu soo magacaabayaa Xubnaha Golaha Wakiilada ee bedelaya kan hadda jira, kuwaasoo iyaguna dooranaya Madaxweynaha, madaxweyne K/xigeenka iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo K/xigeenadiisa.” 

Sharci yaqaankaan oo sii wata hadalkiisa ayaa sidoo kale yiri " Taas macneheedu waxaa weeye, dawaldu waa ku meel gaar. Lakiin Generaal Cadde 4 sano ayuu ka dhigtay maadama Madaxweynaha Somaliya, Cabdulaahi Yusuf, sanad ugu daray. Arintaasna Barlaamaanka lagama ansaxin. Sida oo kale, Axdigii la rabey in aftida loo qaado (shacabka la weydiiyo), si uu sharci u noqdo, waxaa la horgeeye golaha wasiirada, habeen madow, oo waa la ansixiyey, hadana waxaa la horgeeyey golaha Barlamaanka oo lagga sugayaa in ay iyana ansaxiyaan, si uu sharci lagu dhaqmo uu u noqdo. Sida oo kale, waxaaba ay ahayd in dawaladuba, kuligeed dhacdo, welina waa taagan tahay. Dhanka kale, Axdiga ruuxisa ayaa ku meel gaar ah, oo sharciya hada dhacay, lona baahan yahay in la sameeyo mid cusub oo bedela kan hada jira, waana in dadka lagu ceshaa oo afti laga qaada in ay rabaan iyo in kale. Lakiin nasiib daro dawalda hada jirta sida ay doonto ayey ka sameeyaan amuuraha shacabka ay u dhaarteen horumarintiisa, nabadgelyadiisa iyo weliba dhowrista sharciga lagu dhaqayo. Waxaa isweydiin mudan, hadaba, sababta dawladu ay waxaas oo xad-gudub, sharci ku tumasho iyo khalad ah, ay u samaynayso?."

Garowe Online ayaa qoraal u direy hay'ada Interpeace si ay uga jawaabto eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana rajeyneynaa in aan idiin soo gudbino jawaabtooda.

Garowe Online,Garowe
RELATED:
Ciyarihii Gobollada oo ka furmay Garowe
R.Resource oo lagu xiriiriyey Burcada
Yusuf oo la kulmay Al-bashiir

Advertisement
  Click here to find the right student loan for you!

Puntland offers up a Range of possibilities

EDITORS PICK:

Islamists threaten attack if Kenya deploys troops
KISMAYO, Somalia Nov 20 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us