I
simada Maamul Goboleedka Puntland oo maalmahan ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa shir mudo sadax cisho ah u socday uguna wadatashanayey aayaha iyo mustaqbalka Puntland sidii wax looga qaban lahaa ayaa waxaa ay ka soo saareen qodobo muhiim ah iyadoo sidoo kale ay ku baaqeen in 20-ka bisha Julay la qabto shir wada tashi ah, laguna badbadinayo gobolada PL ee xiligan la heysto wuxuuna qoraalka u qornaa sidan:
Waxaa shir hordhac ah ku yeeshay magaalada Garoowe Guddi ka mid ah Isimada DGPL oo socday mudo sadax beri ah.
Isimada markey arkeen xalada adag ee soo food saartay Maamul Goboledka Puntland, Dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo Golayaasha oo waqtigoodii sii dhamaanayo, markey tixgeliyeen aragtida, baaqyada iyo talooyinka shacabka waxay qaateen go'amada hoos ku qoran.
Isimada waxay gaareen in la dhiso Guddiyo isugu yimada shir wada tashi oo ku sabsan badbaadinta Gobolada hada la heysto, aayaha danbe ee reer Puntland iyo qaban qaabo shir weyne Qaran, kana kala yimaada gobolada Puntland ka kooban tahay, kuwaas oo laga rabo iney ka taliyaan suurana geliyaan muhiimada kor ku xusan eee loo xilsaaray iyagoo Rabi tawakalaya.
Guddigas wuxuu ka kooban yahay Todobadan iyo Sagaal xubnood oo u qeybsan sidan:
Gobolka Nugaal 13
Sool iyo Cayn 20
Sanaag 13
Bari iyo Karkaar 20
Mudug 13
Mudada shirka uu dhacayo waa 20-ka bisha Julay (20-07-2008) madashuna waa Garowe.
Waxaa muhiim ah in bulshada qeybaheda kala duwan sida dhaqanka, culuma'uddiinka, ganacsatada iyo guud ahaan waxgaradka gobolada Puntland ay si hagar la'aan ah u soo abaabulaan uguna qeyb qaataan una soo ambabixiyaan guddiyadaas si ay u guntadaan howlaha culus ee hor yaala.
Jaliyadda reer Puntland waxaa laga codsanayaa iney shirka ka soo qeyb galaan dhaqaale iyo talooyinna ku soo biiriyan Waxan si buuxda u taageereynaa codkii Madaxweynuhu ku celceliyay, shacabkuna qoraalo badan ku muujiyeen fikirkooda ee ahaa inaanay jiri
doonin mudo kordhin.
Dastuurkan qabyada ah oo ay muqato inaan afti dadweyne loo qaado suuragal aheyn ayna ku jiraan qodobo aan u cuntami karin reer Puntland oo aan qoraal gaabanna lagu soo koobi karin waxaanu ku talineynaa in dib loo dhigo aanna la horgeynin golayaasha inta dib loo saxayo.
N.B Guddi kasta waa inuu kalsooni ka wataa dhaqankiisa (Isimo iyo Gurti)
Magacyada Isimada Saxiixay
Suldaan Saciid Maxamed Garaase
Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
Garaad Abshir Saalax Maxamed
Suldaan Ciise Xasan Cumar
Suldaan Saciid Cusmaan Cali
Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin
Beeldaaje Cali Faarax
Suldaan Saciid Maxamed Maxamuud
Ugaas C/qaadir Cilmi
Ugaas Faarax Maxamed Cali
Garaad Saleebaan Buraale Aadam
Garaad Maxamed Cilmi Shirwac
Iimaam Nur Cabdullaahi Cali
Wakiil Sulub Cali Gaas
Qoraalkaan ayaa waxaa soo gaarsiiyey Radio Garowe Isimada ku sixiixan qoraalkaan.
Fikirkaaga ku saabsan talaabada Issimadaan ku soo dir halkaan anagoo xaawileyna in aan soo gudbino kuwooda ugu xiiso badan:
radiogarowe@gmail.com