Issimadu miyeysan ansixin Dastuurka? 24 Dec 24, 2012 - 1:25:32 AM
GAROWE ONLINE
Mudooyinkii ugu danbeysey waxa soo badanayey hadalo ay warbaahinta qaar in badan ku soo celiceliso iyo muran aan jirin oo ku saabsan muddada halka sanno ee Xukuumadda u dhiman oo ku tilmaamen muddo kororsi.
Mucaaradka ayaa munaasabado badan ku soo celcelshey baahida loo qabo in issimada Puntland ay soo farogashaan xaalada dalku marayo ,waxana weeyaan issimadaasu kuwii horey goob jooga uga ahaa Ansixintii Dastuurka Puntland iyo Lifaaqyadii la socdey soona xuley ergadii ka qaybgashey shirka.
Idaacadda Radio Garowe oo dib u jaleecdey Kaydka ayaa waxay u soo gudbineysa Akhyaarta ku xiran qayb ka mid ah khudbadihii ay ka jeediyeen Issimada Puntland Ansixintii Dastuurka waxana kala yihiin codadka hoos ku xusan:
1-Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan
2-Islaan Ciise Islaan Maxamed
3-Islaan Bashiir Islaan Cabdule
4-Suldaan Cabdisalaan Shiikh Maxamuud.
Horey ayaa madaxweynaha Puntland mucaaradka iyo siyaasiyiinta hanku ku jiro uu ugu baaqey inay furtaan Ururo iyo axsaab siyaasadeed oo u tartamaan hanashada codka dadweynaha reer Puntland oo si xor ah u dooran doona cidta mataleysa.
Halkan ka dhageyso codadka Isimada Puntland ka jeediyen Dastuurka