|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Isimada Sool oo ka hadley kulan
30 Mar 30, 2011 - 1:14:40 PM
|
GAROWEONLINE
Wafti ka socda Dowlada Ingiriiska ayaa kulan xaley la yeeshey Issimada Gobolka Sool kuwaasoo ka wada hadley arrimaha siyaasada Gobolka gaar ahaan magaalada Laas-caano oo ay labada maamul ku muransan yihiin.
Issimada kulanka xaley ka qeyb galey oo uu ka mid ahaa Ugaas Cabdulaahi Ciise Nuur ayaa Radio Garowe uga waramey kulanka Qodobadii la iskula soo qaadey intii uu socdey, wuxuuna sheegey in ay jirtey warqad issimadu u dhiibeen waftigan ka socda dowlada ingiriiska oo ay ku cadeed mowqifka duqeyda dhaqan ee beesha Dhulbahante ay ka qabaan haysashada magaalada laas-caano.
Ugaas Cabdulahi Ciise waxa uu intaa raaciyey in warqada ay ku saxiixnayeen 6 issim oo gobolka kasoo jeeda , islamarkaana dhanka isgaarsiinta kala socdeen issimo kale oo ku mowqif ah , isagoo tilmaamey in aysan jirin wax is bar bar yaac ama kala fikir duwanaansho ah oo issimada gobolkasi ka qabeen kulankii ay la qaateen wakiilka arrimaha somalia u qaabilsan dowlada Ingiriiska.
Kulanka xaley dhex marey issimada Sool iyo Cayn iyo Waftiga ingiriiska ayaa waxaa goob joog u ahaa Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole & Madaxweyne ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shirre iyo wasiiro, waxaana uu noqodey kulankii ugu horeeyey oo wafti ka socda Ingiriiska la yeeshaan Issimo kasoo jeeda gobolada Sool iyo Cayn.
AKHRI
: Kulanka Issimada Sool & waftiga ingriiska
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|