From Garoweonline.com
Issimada Sool oo soo saarey go'aamo
By
Feb 8, 2010 - 2:01:38 PM
Kadib markii maalmahaan kulamo u socdeen Issimada Sool ayaa waxaa kasoo baxey go'aamo u qoraa sidatan:
1.Waxaa la dhisaaya gudi la yirahdo Qusuusi.
2.Qususigu waxa ay ka koobnanaysa 21-Xubnood,Saddex ka mid ah ay dumar yihin.
3.Qusuusigu waxaa ay awood uu leeyihin Hogaanki lagu soo dhisay Nairobi.
4.Quusuuga waxaa soo xulaaya Beelaha.
5.Qusuusida waxaa ay iska dhexdooranayaan Gudoomiye,Kuxigeen iyo Xogheyn.
6.Qusuusida waxaa ay mudadoodu ku egtahay Sanad iyo Bar maalinta la Ansixiyo.
7.Qususiga waxaa lagu keenaya mudo dhan 10-casho laga bilaabo maalinta gudonka soo baxo
8.Qusuusiga waxaa kala diri kara Isimadda saxiixay Cod dhan 3/2
9.Shurudaha lagu soo xulaayo Qusuusiga waxaa qeexaya Xeer hoosaad uu gaar ah.
Bayaankaan maanta ay Isimada soo saaren ayaa lagu sheegay in Hogaanki lagu dhisay Nairobi ay Isimada Maamulka Puntland kala hadleen in ay soo galaan dalka si ay ula kulmaan Qusuusida.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay in uu jiro Wefdi isugu jira Isimo,Cuqaal iyo Xubno ka mid ah Qusuusida ay tegi doonaan Degaamada Sool,Sanaag iyo Ceyn si ay dadka ugu baraarujiyaan Xaaladda adag ee ka jirta dalka iyo sidii looga bixi lahaa.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com