|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Juxa: 'Waxan wadna isbedel joogto ah'
14 Aug 14, 2011 - 4:44:34 AM
|
GAROWEONLINE
Xarunta Jaamacada PSU ee magaaladan Garowe ayaa manta waxaa tababar soconaya afar maalmood uga furmey shaqaalaha Wasaarada waxbarashada Puntland,Waxana lagu tababarayey qaabka loo keydiyo xogta qaybna ka ah barnaamijka kor uqaadida tayada waxbrashada Afrika sida uu Sheegay Agaasimha waaxda mashaariicda,Tababarka Macalimiinta & Tababarka xirfadlayaasha Maxamed Cali Faarax(Farmayeeri) oo ka hadlayey furitaankii tababarka saaka.
Barnaamijkan xogta lagu aruurinayo laguna kaydinayo ayaa dhaqaalihisa waxaa bixisey Dawalada Australia waxana saraakiisha wasaarada waxbarashadu tilmaameen in barnaamijkani ku yar yahay isticmaalkiisu Afrika.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dawlada Puntland Cabdi Siciid Faarax (Juxa) ayaa isagu si rasmi ah ugu furey shaqaalaha wasaarada Tababarka ugu horeyna waxaa uu uga mahadceliyey shaqaalaha sida ay hawshooda uga soo baxeen,sidoo kalene wasiirku waxa uu tilmaamey in shaqada xog uruurinta laga bilaabi doono dugsiyada hoose.
“Geedi socod ban ku jirnaa,waxaan wadnaa isbadel joogto ah,waxana rabnaa in aan talaabo horey u qaadno maalinweliba” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Siciid Juxa oo kula Dardaarmayey Shaqaalaha Wasaarada ee dhamaan gobolada in ay mujiyaan dadaal dheraad ah si loogu ambaqaado horey.
Juxa waxaa uu kasoo sheekeyey waxyaabaha u hirgaley wasaaradiisa inta Jagada loo magacaabey sidoo kalena waxa uu ka sheegay madashii tababarku ka furmayey saaka Tirakoobyada iskuulaadka,xarumaha waxbarabshada dadban,tirada ardeyda iskuulaadka iyo weliba Jaamacadaha Puntland.
Mudadii hakadka ay ku jirtay waxbarashada Iskuulada Puntland waxa si isdabajoog ah wasaaradu u qabaneysay Macalimiinta,Maamulayaasha iyo Gudoomiyaasha Waxbarashada Gobolada Tababaro joogto ah si kor Loogu qaado Tayadooda iyo kartidooda aqooneed Maadaama Waxbarashadu u dub dhexaad u tahay horumarka bulshada.
Dhageyso khudbada Wasiirka Waxbarashada Puntland
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|