''Ka yeelimeyno in lagu tunto Nidaamka'' 2 Jan 2, 2013 - 4:09:45 AM
GAROWE ONLINE
Wasiirka Amniga Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan ayaa u digey rag aan siyaasada Puntland ku jirin oo uu ku tilmaamay inay fowdo iyo qas ka wadaan deeeganada Puntland islamarkaasina aan marnaba iyagu ka yeeli doonin.
‘’Waxa jira rag aan urur sameysan oo hadal la taagan meel halkan ah ,waxaan u sheegeynaa ragaas sida kuwa Qardho joogaa iyo meelo kale inay sharci darro ku socdaan iyo khalkhalgein nidaamka Puntland qaadatey ,anaguna kama yeeli doono’’ ayuu yiri wasiirku.
Gen.Khaliif Ciise Mudan oo maanta 02 January,2013 kulan kaga qaybgalayey xarunta gobolka Bari ee Bossaso ayaa soo dhoweeyey dadweynaha taageersan nidaamka axsaabta badan Puntland u gudubtey iyo weliba ururada siyaasadeed ee lagu dhawaaqey.
‘’Urur keliya ayaa loo ogolyahay inuu samysto shirar ,inuu kulamo qabto ,inuu degmooyinka socod ku maro ,in amnigiisa la sugo maadaama uu sharci ku soo galay’’ ayuu raacshey wasiirku oo shirar siyaasadeed sheegey inaan la qaban karin.
Dhinaca kale wasiirka amniga Puntland ayaa xusey in waayadan danbe dagaalyahanada Al-shabaab ay ku soo qulqulayaan deegaanada Puntland,islamarkaasina loo baahanyahay in la iskala qayb qaato sidii looga hortagi lahaa.
Waxa uu u sheegey nabadoonada in ciidamada amaanku u siideyn doonaan cidii ay damaanad qaadaan iyagu marka laga reebo kuwa ku eedeysan Al-shabaab inay ka tirsanyihiin.
‘’Al-shabaab damaanad malahan,waayo waa cadowga Alle iyo naftenabada’’ ayuu ku soo khatimey hadalkiisa wasiirku.
Hadalka wasiirka ayaa daba socdey go’aano horey loo gaarey inaan shirar siyaasadeed lagu qaban karin Puntland iyadoona cidii qabata ay horseed u noqoneyso Fowdo iyo Xasilooni darro sida maamulku horey shaaciyey.
Halkan ka dhageyso Khudbadda Wasiirka Amniga Puntland jeedshey