|
|
|
|
| Last Updated: Jan 26, 2012 - 6:28:13 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
"Waan ka adkanay Al-shabaab"
26 Jan 26, 2012 - 6:03:04 AM
|
Sarkaal u hadlay Milateriga Kenya ayaa sheegay in Dagaalka ay ka wadaan Somalia oo maanta 100 maalmood galay ay dhabarka kaga jabiyeen Al-shabaab oo uu xusay inay ku qasabtay inay galaan gudaha Somalia.
Col. Cyrus Oguna oo saxaafada Kenya la halay ayaa sheegay in dagaalka gudaha Somalia ay ka wadaan laga gaaray guulo la taaban karo, wuxuuna sheegay inay dhul balaaran ka qabsadeen Al-shabaab.
"Sababtii aan u galnay Somalia waxaa keentay Al-shabaab waayo Falal amaanka ka baxsan ayay ka geysteen gudaha dalkeena. Waxaana ka mid afduubiyo iyo dilala qorsheysan oo ay u geysteen dalxiisayaal iyo ajnabi kale" ayuu yiri Col. Oguna.
Mas'uulkan oo dhinaca howlgalada u qabilsan Milateriga Kenya ayaa sheegay inay ku dileen dagaaladii ay la galeen Al-shabaab saraakiil sarsare iyo boqlaal ciidamo ah, sidoo kalena ay ku baabi'iyeen gaadiid dagaal.
"Milareriga dalkeenu waxay qabsadeen deegaano ay ka mid yihiin Raaskambooni, Qooqaani, Faafaxdhun, Ceel-cali iyo Hoosingow, dhamaantood waxay ku yaalaan Jubada Hoose iyo Gedo" ayuu hadalkiisa ku daray.
Col. Oguna, wuxuu sheegay in Al-shabaab ay hada wadaan dagaalo gaadmo ah oo ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada Kenya iyo DF ay ku leeyihiin labada gobola ee ay ku sugan yihiin, taasoo uu ku sheegay inay tilmaan u tahay awoodoodii oo yaraatay.
Ciidamada Kenya ayaa waxay soo galeen gudaha Somalia [Oct 24, 2011] iyagoo sheegay xiligaas inay ka hortagayaan khatar kaga soo wajahan Al-shabaab oo ka talisa inta badan gobolada Koonfurta Somalia.
Gabgabadii hadalkiisa wuxuu Col. Oguna ku sheegay inaysan jirin xili ay doonayaan inay ka baxaan Somalia, wuxuuna sheegay in go'aankooda uu yahay inay dhul kale oo badan qabsadaan kuwaasoo ay ka mid tahay Kismaayo.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|