Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay inay ka dambeysay xariga dad
muslimiin ah oo u dhashay dalkeeda kuna xirnaa dalka Ethiopia mudo ka
badan 1-sano, kuwaasoo lagu eedeeyay argagaxisonimo.
Afhayeenka xukuumada Kenya
Alfred Mutwa oo war-saxaafadeed
soo saaray ayaa sheegay in xukuumadiisu aysna wax lug ah ku lahayn
xariga dadkaas iyo u gacangelinta dalka Ethiopia oo ay ku xirnaayeen.
"Dadkan waxaa u gudbinay Somalia; inagoo u haysanay inay Somali
yihiin, halkaas ayaana looga gudbiyay Ethiopia, mas'uuliyadaasna inaga
ma lihin" ayuu Mutwa ku yiri war-saxaafadeedkiisa.
Muslimiinta Kenya ayaa ku eedeynaya xukuumada dalkaas inay iyadu
ahayd tii sida tooska ah dadkaas gacanta ugu gelisay Ethiopia;
dadkaaasoo gaaraya 8-qof.
Dadkan dib loogu soo celiyay Kenya maalin ka hor ayaa waxay
dhamaantood kasoo jeedaan gobolka xeebta ku yaala ee Mombassa, waxayna
ka hadleen wixii ay kula kulmeen Ethiopia intii ay maxaabiista ahaayeen.
"Soo dhaweyn fiican ayaan kala kulanay Muslimiinta gobolkii aan ku
xirnayn ee Ethiopia, waxaana su'aalo na weydiinayay saraakiil u dhashay
dalalka Britain, Isreal, Mareykanka iyo sirdoonka Ethiopia" sidaa waxaa
saxaafada u sheegay Saalim Cawad Saalim oo ka mid ah dadka la sii
daayay.
Saalmi, wuxuu sidoo kale sheegay in katiinado lagu jeebeynayay oo
mararka qaarkood loo hanjabayay, isagoo xusay in wax jirdillo ah aan
loo geysan, balse ay jirtay cabsi-galin joogto ah.
"Ma jirin wax dambi ah oo aan galnay, dhibaatooyinka naloo geystayna
ma ahayn kuwo aan mudnayn" ayuu saxafiyiinta u sheegay Saalim, isagoo
mararka qaar hadalka hakinayay.
Sarkaal ka tirsan Ururka muslimiinta Kenya oo lagu magacaabo
Al-Amin Kimanthe ayaa
sheegay in dadkan la soo daayay ay xaq u leeyihiin inay dacweeyaan
xukuumada, maadaama si khalad ah gacanta loogu geliyay dal shisheeye.
Culumo ka tirsan Muslimiinta dalka Kenya ayaa been abuur ku
tilmaameen hadalka xukuumada Kenya ee sheegaya in dadkan loo maleynayay
Somali, waxayna sidoo kale eedeeyeen war kasoo baxay dowlada Kenya oo
sheegayay in dadkaan weli loo aqoonsan yahay argagaxiso.
Wadaadadan waxay sheegeen in hadalka xukuumada kasoo baxay uu yahay
mid ay isku difaacayso, ayna ku qarinayaan inay khalad galeen, lana
dacweeyo.
Dadkaan ayaa la qabqabtay xadka Kenya iyo Somalia horaantii 2007,
markaasoo laga itaal roonaaday xoogagii Maxkamadaha Islaamka, iyagoo
laga eedeeyay inay ka barbar-dagaalamayeen Maxkamadaha.
Garowe Online, Muqdisho